Xildhibaan sheegay in xilligan aan doorasho la qaban karin, xukuumadana la siiyo fusad ay ammaanka ku sugto

Isniin, May 09, 2011 (HOL) Xildhibaan Xuseen Carraale Caddaan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay maanta inaan doorasho lagu qaban karin xilligan dalka, isagoo ku baaqay in xukuumadda fursad loo siiyo inay howlaha u dhiman ku dhameystirto halka sano ee ay codsatay.

Mudane Carraale ayaa sheegay inay habboon-tahay in doorasho lagu qabto dalka gudihiisa, balse ay ka horreyso in la sugo amaanka, ayna xukuumaddu dhameystirto howlaha u harsan.

"Doorasho in la qabto waa wax wanaagsan, balse waxaa habboon in xukuumadda loo ogolaado inay hal sano ee ay codsatay la siiyo si ay u diyaariso doorasho," ayuu yiri xildhibaan Carraale.

Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya laga doonayo inuu qayb ka qaato sidii lagu dhameystiri lahaa howlaha xukuumadda horyaalla, isagoo baarlamaanka ku boorriyay in codsiga dowladda ee halka sano ah la meel mariyo.

Mudanahan oo ka mid ah kuwa taageersan xukuumadda iyo madaxweyaha ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo beegmayaa xilli ay guddigii doorashada ay dhawaan sheegeen inay diyaarinayaan kaararka doorashada.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inaan dalka lagu qaban karin doorasho sababo la xiriira ammaanka, waxayna dalbatay muddo hal sano ah oo loogu kordhiyo xilliga ay shaqeynayso si ay ammaanka dalka oo dhan u sugto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya