Dadka Barakacayaasha ah ee ku Dhaqan Kismaayo oo Codsaday in la Gargaaro Xilli ay Curteen Roobabka Gu’ga

Isniin, May 09, 2011 (HOL) Dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan xerooyinka magaalada Kismaayo ayaa ka codsaday maamulka Xarakada Al-shabaab, Ganacsatada iyo guud ahaanba cidii wax u awoodo in lala soo gaaro Kaalmo biniaadanimo oo deg deg ah, xilli magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda ay ka curteen roobabka Gu’ga oo iyagu mudooyinkan danbe si weyn uga da’ay magaalada Kismaayo iyo qeybo katirsan gobollada Jubooyinka.

Ibraahim Mohamed Ali oo kamid ah dadka ku dhaqan Kaamka Beder ee magaalada Kismaayo oo ay HOL ka wareysatay xaaladooda ayaa sheegay in ay lasoo darastay xaalad nololeed oo aad u liidato kadib markii ay curteen roobabka xilliga gu’ga waxaana uu sheegay in guryaha ay ku noolyihiin oo ka samaysan Cooshado aysan lahayn awood ay isaga difaacan dhibicda Roobka iyo weliba qabowga xilliyada habeenkii ah.

Sidoo kale, dadkan waxay ka codsadeen maamulka degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, Ganacsatada iyo guud ahaanba umadda Soomaaliyeed eek u nool caalamka daafihiisa in ay lasoo gaaraan kaalmo biniaadanimo oo deg deg ah, isagoona sheegay in waqtigan ay aad ugu baahanyihiin bacaha guryaha lasaarto.

Magaalada Kismaayo waxa ku yaal in ka badan 50 Kaam oo ay ku jiraan dad kasoo barakacay qaar katirsan gobollada Dalka Soomaaliyeed ee ay ka jiraan colaadaha, waxaana marki aad booqato xerooyinka ay ku noolyihiin dadkaasi aad arkeysaa xaalad biniaadanimo oo aad u liidato, oo ay kamid tahay guryahada ay ku nool-yihiin dadka barakacayaasha h oo ah kuwo ka sameysay baakado islamarkaasina aan awoodin in ay iska difaacaan dhibicda Roobka, Musqulaha oo aad ugu yar iyo weliba raashiinka quutul duruuriga ah oo ay dadkaasi kuu sheegayaan in ay ku adagtahay helitaankiisa.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya