Isniin, May 09, 2011 (HOL) – Dagaalyahan u dhashay dalka Suudaan ayaa lagu dilay Soomaaliya, kaasoo ka mid ahaa afar qof oo loo haystay inay dileen dulamaasi u dhashay dalka Mareykanka iyo darawalkiisii billowgii sannadkii 2008-dii.
Mohannad Cusmaan Yuusuf Maxamed, ayaa aabbihii wuxuu warbaahinta u sheegay Sabtidii lasoo dhaafay in wiilkiisii lagu dilay dagaallada ka socda Soomaaliya, isagoo diiday inuu sheego halka uu warkan ka helay.
"Maanta waxaan doonayaa inaan idin ogeysiiyo in Mohannad lagu dilay dagaallada jihaadka ah ee ka socda Soomaaliya. Ma doonayo inaan cidna u sheego halka aan warkan ka helay," ayuu yiri aabbaha dhalay dagaalyahankan lagu dilay Soomaaliya oo warbaahinta ugu warramayay gurigiisa oo ku yaalla Khartuum.
Dagaalyahankan la dilay iyo saddexda kale oo xabsiga ay ka baxasadeen ayaa loo haystay dilka dublamaasi lagu magacaabi jiray John Granville oo 33-jir ahaa iyo darawalkiisa C/raxmaan Cabbaas oo 40-jir ahaa kuwaasoo u shaqeynayay hay'adda gargaarka Mareykanka ee USAID.
"Waxaan xukuumadda Suudaan ugu yeerayaa inay xabsiga kasii dayso dhallinyarada Islaamiyiinta ah ee ku xiran, ayna sidoo kale joojiyaan xukunkii ay Mohannad ku rideen," ayuu aabbuhu hadalkiisa raaciyay.
Afarta qof ee uu ku jiray dagaalyahanka lagu dilay dagaallada ka socda Soomaaliya ayaa ka baxsaday bishii Juune ee sannadkii hore xabsi lagu magacaabo Kober oo ku yaalla waqooyiga magaalada Khartuum ee xatunta dalka Suudaan.
Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay dowladda Suudaan inay iyadu gacan ka geysatay baxsashada eedeysanayaasha, iyadoo ka codsaday xukuumadda inay dib u horkeento cadaaladda afartii ruux ee dilay dulmaasiga Mareykanka ah iyo wadihii gaarigiisa.
Qaar ka mid ah saaxiibbadii dagaalyahanka la dilay ayaa Sabtidii qaab tacsi ahaan ah ugu yimid qoyskii uu ka geeriyooday Mohannad, iyagoo ku qaylinayay erayga Allaahu Akbar oo macnaheedu yahay Illaahay baa weyn.
Dalka Suudaan ayaa waxaa ka talinayay muddo 20-sano ah Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir oo afgambi milateri ku qabsaday dalkaasa sannadkii 1989-kii, iyadoo dalkaas uu muddo dheer gabbaad u ahaa hoggaamiyihii Al-Qaacida ee la dilay Sheekh Usaama Bin Laden.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya