Waxaa guud ahaan deegaanka Kamakunji oo ay ka tirsantahay xaafadda Eastleigh ( Islii) ee magaalada Nairobi laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ballaaran oo ay wadaan Musharrixiinta u taagan kursiga xildhibaanka deegaanka Kamakunji.
Ola-olahan ayaa waxaa ka dhex muuqdaa labada Musharrax ee Soomaalida Yuusuf Xassan iyo Ibraahim Cabdi Johny.
Waxaa ola-olaha ku soo biiray qaar ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee Kenya oo iyagu taageeraya musharrixiinta tartanka ku galaya magaca Xisbigooda.
Haweenayda lagu magacaabo Beth Mugo oo ah wasiirka caafimaadka ee Kenya isla markaana uu adeer u yahay Madaxweynihii ugu horreeyay ee Kenya Jomo Kenyatta ayaa lagu dhex arkayay ola-olaha iyadoo taageeraysa siyaasiga matalaya xisbiga PNU yuusuf xassan.
Xaflad ka dhacday deegaanka Bahati oo ka tirsan Kamakunji ayay ka codasatay dadweynaha inay yuusuf u codeeyaan iyadoo sheegtay inuu yahay musharraxa kaliya ee wax ka qaban kara dhibaatoooyinka nololeed ee ka jira deegaanka Kamakunji.
Musharrax Ibraahim Johny oo matalaya xisbiga ODM ee uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Raila Odinga ayaa isna xafladda ola-olahiisa ku qabsaday deegaanka Sharamooyo oo ka tirsan Kamakunji , waxaana uu la hadlay codbixiyaasha haweenka ah isagoo u ballan qaaday inuu wax ka qaban doono dhibaatooyinka taagan.
Johny ayaa tilmaamay inuu ahaa ninkii maxkamadda geeyay dacwadda keentay in doorashada lagu celiyo geeyayna cadaymo muujinaya inuu ku shubtay doorashada xildhibaankii hore ee Kamakunji saymon mbugwa.
Dad kor u dhaafaya 90 kun oo codbixiyayaal ah ayaa isu diwaangaliyay inay codeeyaan iyadoo markaana la filayo in xildhibaan Soomaali ah uu kasoo galo deegaanka Kamakunji oo ay ka tirsantahay Xaafadda Islii ee Soomaalidu ay degentahay.
Waligeed xildhibaan Soomaali ah kama soo galin deegaankan taasoo keentay in xildhibaanadii hore ay wax ka qaban waayaan wadooyinka burbursan iyo qashinka meel walba daadsan ee ay caanka ku tahay Islii.
Axmed Cabdisamad Cilmi , Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi - Kenya