Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo xukun ku fulisay nin lagu eedeeyay inuu ku dhacay fal Sino ah

Isniin, May 09, 2011 (HOL) Maxkamadda islaamiga ah degmada Xuddur ee Gobolka Bakool ayaa xukun ku fulisay shalay gallinkii dambe Mayow C/llaahi Cali oo 21-jir ah kaasoo lagu eedeeyay inuu ku dhacay fal sino ah.

Mayow C/llaahi oo aan horay u soo guursan ayaa waxaa xukunkiisu noqoday in lagu dhufto 100 karbaash, waxaana xukunkiisa ku dhawaaqay qaaliga maxkamada degmada Xudur, isagoo sheegay inuu dambiga ka qirtay maxkamadda horteeda.

Boqolaal qof oo ka mid ah dadka degmada Xudur ku nool ah ayaa kasoo qaybgalay daawashada qaabka xukunkaas loo fuliyay, iyadoo goobta uu xukunka ka dhacay oo ahayd barxad weyn ay amaankeeda ilaalinayeen ciidamo ka tirsan Xararkada Al-shabaab.

Lama sheegin haweeneydii uu ka sineysay halka ay jirto, sidoo kalena ma jirto wax xukun ah oo lagu fuliyay, iyadoo xukunkan oo kale uusan noqonayn midkii ugu horreeyay oo maamulka Xarrakatul Shabaab ee gobollada Bay iyo Bakool ay fuliyaan.

Qaadiga maxkamadda degmada Xuddur ayaa uga digay shacabka ku nool dsegmada Xudur inay fal noocan oo kale ah ku dhacaan, isagoo sheegay in qofkii lagu helo uu mudan doono xukunkan oo kale, qofkii guur soo marayna uu muteysanayo in dhagax lagu dilo.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii maamulka Al-Shabaab ee degmada Baydhabo uu xukun dil ah ku filyay laba ruux oo ay ku eedeeyeen inay jawaasiis u ahaayeen dowladda KMG ah iyo dowladda Soomaaliya, waxaana xukunka ridday maxkamadda degmadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya