Isniin, May 09, 2011 (HOL) – Isniin, May 09, 2011 (HOL) – Dhaawaca labo kamid ah xildhibaanada barlamanka Puntland ayaa la soo gaarsiiyay cisbitalka wayn ee Bosaaso si xaaladooda caafimaad loo dabiibo ,ka dib markii uu la rogmaday gaari ay la socdeen.
"Gaariga ay la socdeen waxa uu kula rogmay halka lagu magacaabo laassa-dawaco ,waxaana uu ahaa nooca Soomaalidu u taqaan Market-ka," ayuu yiri gudoomiyaha degmada Carmo oo kamid ahaa dadkii u gurmaday xildhibaanadan.
Labada xildhibaan ayaa lagu kala magacaabaa Shaybe Sheekh Maxamuud iyo Xasan Afdhaal ,waxaana la sheegay in gaarigii ay la socdeen uu ka baxay wadada laamiga ,taasi oo sababtay in uu rogmado.
"Shilka markii u dhacayba waxa gurmad ahaan ugu tagay masuuliyiinta dad badan oo ka ag dhowaa deegaanka ,deetaana Bosaaso ayaa dhaawacooda loo soo gudbiyay "ayuu hadalkiisa ku daray gudoomiye Cawad Xuseen.
Saraakiisha caafimaadka cisbitalka ayaa sheegay in mid kamid ah xildhibaanada ay jug xuni ka gaartay madaxa ,taasina ay sababi karto in ay noloshiisa halis ku timaaado,iyaga oo intaa ku daray in dadaali doonaan.
Shilalka inta badan ka dhaca Puntland ayaa loo aanaynayaa in ay hormuud ka tahay wadada oo meelaha qaar ka bur-bursan,waxaana dhawaan socday olole dowladdu ay ku hagaajinays dhamaan wadooyinka gobolka.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya