Isniin, May 09, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Shama'arke oo isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya wareysi gaar ah siiyay BBC-da qaybta afka Soomaaliga ayaa taageeray doorsho dalka lagu qabto inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sannadkan.
Sharma'arke wuxuu sheegay in doorashada la qabanayo ay tahay mid ay dowladdu uga baxayso xilliga KMG ah, isagoo intaas ku daray in howsha doorashada ay ahayd mid ay iyagu billaabeen, balse xukuumadda hadda jirta looga baahan yahay inay dhameystirto.
"Waxaan ku talin lahaa in doorasho la qabto inta aan la gaarin xilliga dowladdu uu waqtigeeda ku eg-yahay ee Ogoosto sannadkan, waayo doorashada ma ahan mid ay shacabku soo dooranayaan mas'uuliyiinta ee waxaa dooranaya baarlamaanka," ayuu yiri Cumar C/rashiid.
Ra'iisul wasaarihii hore oo la weydiiyay su'aalo badan oo ku saabsan farqiga u dhexeeya waxqabadka xukuumaddiisii iyo xukuumadda hadda jirta ayaa hadalkiisu wuxuu u badnaa mid uu ku xaqirayo waxqabadka xukuumaddan cusub.
Mar la weydiiyay in xukuumadda hadda jirta lagu amaanay bixnita mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, ayuu sheegay in xukuumaddii uu hoggaanka u hayay ay mushaar bixinayso muddo toddoba bilood ah, taasoo uu sheegay inay ka badan tahay inta bilood ee ay mushaarka bixisay xukuumaddan.
Sidoo kale, mar uu ka jawaabayay su'aal ku saabsanayd miisaaniyadda ayuu xusay in miisaaniyadda ay xukuumaddan hordhigtay baarlamaanka ay ahayd mid ay iyagu horay uga shaqeeyeen, isagoo intaas ku daray in xukuumaddiisii ay eedday codsi ku aaddanaa in lala xisaabtamo.
"Dhaqaalaha dalalka caalamka ka yimaada waxay si toos ah ugu dhacaysay jeebka madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif, dhowr jeer ayaana baarlamaanka ugu baaqay inay xukuumadda iyo madaxweynaha la xisaabtamaan waana taas midda aan eednay," ayuu yiri Sharma'arke.
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa xilka uga tagay khilaaf soo dhexgalay isaga iyo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed sannadkii hore, iyadoo khilaafkooda uu gaaray heer aan la daweyn karin.
Ugu dambeyn, Sharma'arke wuxuu ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka inay baaritaanno ku sameeyaan halka ay maraan dhaqaalaha dalka soo gala, sidoo kalena la qabto doorashooyin lagu soo xulanayo hoggaanka dalka loogana baxayo xilliga KMG ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya