Isniin, May 09, 2011 (HOL) – Dowladda Kenya ayaa adkeysay ammaanka xeebaha dalkeeda, iyadoo sheegtay inay baqdin ka qabto in Xarrakatul Shabaab ay weerarro kaga soo qaado dhinaca badda, sidoo kalena ay afduubyo ka geystaan kooxaha burcadbadeedda ah.
Magaalo xeebeedda dalka Kenya ee Mombassa iyo deegaannad kale ee ku teedsan badda ayaa lagu armay maanta diyaarado joog hoose ku socda oo kuwa dagaalka ah oo joog hoose ku socda, iyadoo tani ay saameyn ku yeelanatay kalluumeysatadii ka jilaaban jiray badda.
Saraakiil u hadlay booliiska dalka Kenya ayaa u sheegay warbaahinta dalkaas inay adkeeyeen ammaanka xeebaha dalkooda, iyagoo xusay inay uga hortagaan in laga soo weeraro dhinaca badda ayna burcadbadeeddu afduubyo ka geystaan xeebtooda.
Xarrakatul Shabaab ayaa maalin ka hor sheegtay inay u aargudi doonaan Sheekh Osama Bin Laden oo lagu dilay weerar uu Mareykanku ka geystay dalka Bakistaan, iyagoo aan sheegin goobta ay ka geysan doonaan weerarrada aargudashada ah.
Dalka Kenya ayaa wuxuu soohdin dheer la wadaagaa dalka Somalia, waxaana horay ay Al-Qaacida uga geysatay qaraxyo waaweyn oo sababay dhimasho iyo dhaawac, sidoo kalena waxay dhowr jeer hanjabaadyo uga heleen Xarrakatul Shabaab.
Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayay sannadkii hore xukuumadda dalkaas kusoo rogtay qorshayaal lagu sugayo ammaanka, waxaana ay saameynta ugu xooggan ku yeesheen Soomaalida ganacsiga ku haysta xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya