Khamiis, May 12, 2011(HOL): Imaam Maxamuud Imaam Cumar, Imaamkii Beesha Abgaal ayaa ku geeriyooday Magaalada Nairobi kaddib markii uu muddo dhowr maalmood ah halkaas ku xanuunsanayay.
Geerida Imaamka ayaa waxaa saxaafadda u xaqiijiyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur oo Imaamka ay aad isugu dhow yihiin ehel ahaan.
Alle ha u naxariisteeImaam Maxamuud Imaam Cumar oo ka mid ahaa Duubabka waa weyn ee Soomaaliyeed ayaa waxaa magaalada Nairobi loogu qaaday xanuun la soo dersay, kaasi oo uu ugu dambeyntii u geeriyooday.
Imaam Maxamuud oo Imaam u ahaa Beesha Abagaal ee uu ka dhashay ayaa waxaa bartamihii sagaashamaadkii lagu sharfay in uu noqdo Imaamka Beelaha Hiraab.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya