Xoogagga Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo ku dagaallamay Gobolka Galgaduud

Khamiis, May 12, 2011 (HOL) Wararka laga hellayo deegaannada lagu kala magacaabo Dhagaxyaale iyo Yaayeele oo hoostaga degmada Guric-eel ee goballka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu ku dhaxmaray xoogag ka kala tirsan Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca.

Dagaallka oo bilaawday kadib markii ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen xoogagga Ahlu Sunna kuwa Xarrakada Al-shabaab ayaa leysku adeegsaday hub-ka noocyadiisa kala duwan, waxaana inta la og-yahay dagaallkaasi ku nafwaayay dad ku dhaw Shab ruux.

Afhayeenka dhinaca howlgalada u qaabilsan Xarrakada Al-shabaab Shiikh C/siis Abuu-muscab oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in dhacooda guulo ka gaareen dagaallka maanta dhacay, islamarakaan u baacsadeen kooxihii la dagaallamay sida uu hadalka u dhigay dhinaca degmada Guri-ceel ee goballka Galgaduud.

Laakiin guddoomiye ku-xigeenka degmada Guri-ceel ee goballka Galgaduud Cali Baashi Aadan Diiriye oo ka hadllay dagaallka maanta dhacay ayaa sheeagay in ciidamadooda weerar lagu soo qaaday, laakiin iska caabiyeen kooxihii soo weeraray, waxaana uu intaa ku darray in hadda dhamaan deegaannadii lagu dagaallamay ay gacanta ku hayaan xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.

Ahlu Sunna Waljameeca ayaa isku haya gacan ku heynta goballka Galgaduud, waxaana labada dhinaca marar badan qeybo ka mid ah goballka kud dhaxmaray dagaallo dad badani ku dhinteen, mana'aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale labada dhinaca dagaal ku dhaxmaro duleedka degmada Guric-eel ee goballka Galgaduud

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Belewweyne, Soomaaliya