Khamiis, May 12, 2011 (HOL) – Sheekh Maxamed Sicidii Atam oo dagaal kula jira maamulka Puntand ayaa ka hadlay dagaallo khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay buuraleyda Galgalal kuwaasoo u dhexeeyay xoogaggiisa iyo ciidamada Puntland, isagoo xusay inay dib uga baxeen deegaankaas.
"Goobtu waxay u ahayd saldhig... waxaana kaga gubnay shan gaari... waxaana kaga qabsanay hub badan," ayuu yiri Sheekh Atam oo intaas ku daray inay askar badan kaga dileen dagaalka oo ahaa mid gaadmo ah.
Sheekh Atam oo wareysi siiyay VOA-da laanta Afka Soomaaliga ayaa sheegay in dhankooda laga dilay laba qof laba kalena laga dhaawacay, isagoo beeniyay war kasoo baxay maamulka Puntland oo sheegayay in 21-qof ay kaga dileen kooxihii soo weeraray dagaalka.
Ilo wareedyo madaxbannaan ayaa sheegaya in dagaalladaas oo socday saddex saacadood oo xiriir ah ay ku dhinteen 26-qof oo u badan ciidamada Puntland, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.
Hoggaamiyahan ayaa sheegay inay dagaalladooda oo ah ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq ay sii-wadi doonaan, wuxuuna maamulka Puntland ku eedeeyay inay dhibaatooyin ku hayaan culummada ku nool deegaannada ay ka taliyaan.
"Waan soo bandhigi doonnaa sawirro aan ka qaadnay, taas ayaana xaqiiqo ugu fillaan doonta dadka ku nool Puntland iyo Soomaalida oo dhan," ayuu Sheekh Atam kaga jawaabay su'aal ahayd waxay ku xaqiijinayaan inay khasaare badan u geysteen ciidankii Puntland ee ay weerareen.
Maamulka Puntland oo dhankiisa ka hadlay dagaallada ayaa sheegay inay kaga dhinteen shan askari ayna kaga dhaawacmeen afar kale, sidoo kalena gaari ka mid ah kuwa dagaalka baasuuke lagu dhuftay. Iyaguna ay khasaare badan gaarsiiyeen xoogaggii weerarka ahaa.
Sheekh Atam oo ka jawaabayay su'aal ahayd inta uu le'eg yahay xiriirka ay la leeyihiin Xarrakatul Shabaab ayaa sheegay inaysan jirin xiriir kala dhexeeya, balse wuxuu sheegay inuu ka dhexeeyo mabda'a Islaamiga ah.
Buuraleyda Galgala oo 40-km dhinaca koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso ee dekedda ah, ayaa waxay dagaallo khasaare badan geystay ay ku dhexmareen dhinacyadan sannadkii hore, inkastoo maamulka Puntland uu sheegay inuu guulo ka gaaray dagaalladaas oo uu kala eryay kooxdii ku sugnayd.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya