Khamiis, May 12, 2011 (HOL) – Wararka laga hellayo xaafadda Hormar ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya Nin rayid ahaa lagu diilay, kadib markii qof ku heysnaa qoriga AK-47 uu ku furay rasaas.
Shaqsiga la dllay ayaa lagu waramayaa in uu ahaa Maclin siweyn looga yaqaanay xaafadda lagu dillay ee Hormar, kaasoo sida la sheegay dhalasho ahaan ka soo jeeday goballada Koonfurta dalka Soomaliya.
Shaqsiga dilka geystay oo sida wararku sheegayaan rasaas iswaarsadeen markii danbe ciidamada Baliiska oo goobta gaaray, ayaa markii danbe baxsaday, waxaana ciidamada u suurtagali weyday in ay gacanta ku dhigaan Ninka dilka geystay.
Dadka deegaannka ayaa siweyn uga xumaaday falka lagu dillay Ninka rayidka ah oo ka dhigayay xaafadda Hormar ee lagu diilay Dugsi Quraan, waxaana ay sheegeen dadka xaafadda in ay arkayeen qofka dilka geystay.
Dilka xalay loogu geeystay magaalada Gaalkacyo qofka rayidka ah ayaa waxaa uu ku soo beegmaya xili xaalada magaalada Gaalkacyo maalmihii ugu danbeeyayba aheyd mid qasan, waxaana maamulka cusub ee dhawaan maamulka Puntland uu u soo magacaabay ay sheegeen in ay wax badan ka qaban doonaan xaalada magaalada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya
Qof rayid ah oo xalay kooxo hubeysan ku dilleen Gaalkacyo
More News
- Imaam Maxamuud oo Nairobi ku geeriyooday
- Madaxda Puntland oo taageeray go'aankii shirkii golaha ammaanka ee ku saabsanaa baaqa loo diray dowladda KMG ah
- Xarrakada Al-shabaab oo soo bandhigtay Askari ay ku dileen dagaallo maanta ka dhacay Muqdisho
- Siminaar Muqdisho loogu qabtay in ka badan 100-haween ah oo ka socday qaybaha Bulshada (SAWIRRO)
- Dagaal Muqdisho ku dhexmaray ciidamada DFKMG ah, AMSIOM, Ahlusunna iyo Xarakuatl Shabaab
- Madaxweyne Yoweri Museveni oo markii afaraad loo dhaariyay xilka Madaxweynimo ee dalka Uganda
- Xoogagga Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo ku dagaallamay Gobolka Galgaduud
- Dagaal Xalay Nawaaxiga Dhoobley ku dhexmaray Ciidamada Dowladda, Raaskaambooni iyo Xarakada Alshabaab
- Roobkii Gu'ga oo siyaabo kala duwan uga da'ay Puntland
- Wabiga Jubba oo Ku Fatahay Xaafado Ka Tirsan Degmada Bu'alle ee Xarunta Gobolka Jubbada dhexe
- Sheekh Maxamed Siciid Atam oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay deegaanka buuraleyda ah ee Gal-gala
- Xarrakada Al-shabaab oo ka hadashay saameyntii uu Sheekh Osama Bin Laden ku lahaa jihaadka Soomaaliya (SAWIRRO)
- Ra'iisul wasaaraha DKMG oo sheegay in xukuumadda iyo baarlamaanku uu waqti ka dhammaanyo bisha Ogoosto
- Qarammada Midoobay oo ugu baaqday madaxda DKMG ah Somalia inay xalliyaan khilaafkooda ayna qabtaan doorasho