
Khamiis, May 12, 2011 (HOL) – Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa shalay ku qabtay kulan ay ugu magacdareen - Kullunaa Usaama - oo macnaheedu yahay 'Innaga oo dhan waxaan nahay Usaama' degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, waxaana kulankaas laga soo jeediyay warbixinno ku saabsan kaalintii uu ku lahaa dagaallada ay Xarrakatul Shabaab ka waddo dalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa ka hadlay mas'uuliyiin ka tirsan Xarrakada Al-shabaab, sidoo kale waxaa ka hadlay xubno ka tirsan dagaalyahannada aan Soomaalida ahayd ee ka barbar dagaalama kooxdan.
"Walaakeen Sheekh Usaama Bin Laaden, kaalin weyn ayuu ku lahaa dagaallada ay ku jirto Xarrakatul Shabaab ee ka socda Soomaaliya, wuxuuna u soo diray halkan dad tababarro siiya mujaahidiinta, isaguna dalkan wuu yimid," ayuu yiri Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansoor oo hadal uu kaga hadlay Sheekh Usaama Bin Laaden ka jeediyay kulanka.
Sheekh Abuu-Mansuur ayaa sheegay in xubno uu isagu ka mid yahay ay dhowr jeer kula kulmeen Sheekh Usaama Bin Laden dalka Afgaanistaan, gaar ahaan gobolka Qandahaar, isagoo xusay inuu ahaa nin aad u jecel Soomaalida, aadna ula socday dagaallada ay Xarrakadu ku jirto.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Max'ed Abuu-cabdalla oo kulanka kalimad kooban ka jeediyay ayaa sheegay in dagaallada aysan joogsan doonin, isla markaana geerida Sheekh Osmaana ay ahayd mid xaq ah ayna ka go'an tahay inay u aar-gudaan.
Bayaan Xarrakatul Shabaab kasoo baxay ayaa xafladda waxaa ka akhriyay waaliga gobolka Banaadir ee Xarrakada Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-C/raxmaan), waxaana bayaankaas oo ku baxayay afka carabiga lagu sheegay in dagaallada ka socda dalka Soomaaliya aysan joogsanayn, waxaana bayaankaas loogu hanjabay Mareykanka iyadoo lagu sheegay inuu la kulmi doono weerarro ka daran kuwii uu horay ula kulmay.

Sidoo kale, waxaa intii ay xafladdu socotay hadlay Sheekh Abuu-Mansuur Al-Amriiki oo u dhashay dalka Mareykanka kana barbar dagaalama Xarrakatul Shabaab isagoo sheegay in cawaaqib xun uu kala kulmi doono Mareykanka dilkii Sheekh Usaama Bin Laaden, wuxuuna sheegay in Usaama uu ka mid ahaa Mujaahidiinta uuna ahaa shaqsigii waddada u furay jihaadka caalamka oo dhan ka socda.
"Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliya inay ka qaybqaataan jihaadka ka socda Soomaaliya, ayna caruurtooda ku tarbiyeeyaan jihaadka," ayuu yiri Sheekh Al-Amriiki oo ku hadlay afka Soomaaliga, isagoo intaa ku daray in dagaallada socda aysan joogsanayn illaa dhamaadka dunida.

Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Fu'aad Max'ed Qalaf oo ka mid ah xubnaha sarsare ee Xarrakatul Shabaab oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay ka go'an tahay Xarrakada inay dagaallada waddo inta ay ka gaarayso hadafkeedii ahaa in adduunka oo dhan lagu xukumo diinta Islaamka.
Hoggaamiyihii iyo aasaasihii shabakadda Al-Qaacida Sheekh Usmaana Bin Laaden waxaa lagu dilay weerar ay ciidamada Mareykanku ku qaaday toddobaadkii hore deegaan ku dhow xarunta dalka Bakistaan ee Islamabaad.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya