Khamiis, May 12, 2011 (HOL) – Dagaallo aad u xoogan islamarkaasina la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa markale xalay ku dhex maray deegaanka dacaska ee nawaaxiga dhoobley ciidamada dowladda KMG ah, kuwa Raaskaambooni iyo xarakada Alshabaab, kagadaal markii xoogaga xarakada Alshabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowlada iyo kuwa raaskaambooni ku lahaayeen deegaanka Dacaska.
Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in uu ahaa mid aad u xoogan iyadona dhinacyada dagaalamayay ay isku adeegsanayeen hubka fud fudud iyo madaafiicda aaga waxaana lagu soo waramayaa in ay dagaalkaasi ku dhinteen ku dhowaad ilaa 10 qof oo ka kala tirsan dhinacyadii dagaalamay tiro intaasi ka badannay ku dhaawacmeen.
“Dagaal xoogan ayay nagu soo qaadeen, waana iska difaacnay dib ayaana u riixnay, waxaana kaga dilnay dagaalka 14 Askari,” ayuu yiri Gaashaanle sare Ismaaciil Cabdi Qorax oo warbaahinta la hadlayay xilli uu ku sugnaa deegaanka Dhoobley ee gobolka J/hoose.
Ma jiraan ilaa imika wax warar ah oo kasoo baxay dhanka masuuliyiinta xarakada Alshabaab oo ku aadan dagaaladii xalay ka dhacay nawaaxiga deegaanka Dhoobley.
Dagaalada xalay ka dhacay nawaaxiga deegaanka dhoobley ayaa kusoo beegmaya xilli mudooyinkan danbe laga dareemayay gobollada Jubooyinka dhaqdhaqaaqyo ciidan oo dhinacyadii xalay ku dagaalamay deegaanka dhoobley ay ugu jireen in ay kooxba kooxda kale ugu awood sheegato.
Xasan Nuur, Hiiraan Online[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya