Khamiis, May 12, 2011 (HOL) – Ugu yaran afar qof oo shacab ah ayaa ku dhintay dagaal culus oo maanta xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Wardhiigle ee magaalada Muqdisho ku dhexmaray cidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya ciidamada AMSIOM iyo kuwa Ahlusunan iyo xoogagga Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Dagaalkan ayaa qarxay markii ciidamada huwanta ah ay weerarro ku qaadeen fariismo ay Xarakatul Shabaab kaga suganayd degmooyinkaas, waxaana dagaalkaas ku dhaawacmay sagaal qof oo shacab ah.
Afhayeenka ciidamada ee Xarrakatul Shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday ayna iska difaaceen, wuxuuna xusay inay dagaalladasa ku dileen dhowr askari oo ay ku jiraan ciidanka AMISOM.
"Weerar ay nagu soo qaadeen ciidamada cadowga ayaan iska difaacnay, waxaana ku dilnay askar badan oo ay ku jiraan kuwa AMISOM, saxaafadda ayaana u soo bandhigi doonnaa," ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab.
Taliyaha ciidamada madaxtooyada DKMG ah oo isaguna u hadlay dhinaca dowladda G/sare C/llaahi Cali Caanood oo ka warbixiyay dagaalka ayaa sheegay in dhankooda looga dilay saddex askari, afar kalena looga dhaawacay, dhinaca kalena ay lix qof kaga dileen, isagoo xusay inay horay uga siqeen goobihii ay ku sugnaayeen.
Ma jirto cid u hadashay ciidamada AMISOM oo xaqiijisay in looga dilay dagaalkaas askar, iyadoo dagaalkan uu saameyn ku yeeshay ganacsiga suuqa Bakaaraha oo ah midka ugu weyn Muqdisho, waxaana sidoo kale ay dagaalladan xireen jid yar oo loo mari jiray suuqaas.
Dagaalkan ayaa daba socday dagaallo shalay iyo xalay ka dhacay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, waxaana dagaalladan ay imaanayaa iyadoo Xarrakatul Shabaab ay sheegtay inay dagaallada sii wadayaan kaddib dilkii hoggaamiyihii Al-Qaacida Usaama Bin Laadin, ayna u aargudi doonaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya