Xarrakada Al-shabaab oo soo bandhigtay Askari ay ku dileen dagaallo maanta ka dhacay Muqdisho


Khamiis, May 12, 2011 (HOL) Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa kusoo bandhigtay Muqdisho maydka askari ka tirsan ciidamada AMISOM oo ay maanta ku dileen dagaal ka dhacya degmooyinka Wardhiigley, Hodan iyo Howlwadaag.

Askariga maydkiisa lasoo bandhigay oo lagu magacaabo Drich Alfred ayaa wuxuu ka mid ahaa ciidamada ka socda dalka Uganda oo qaybta ka ahaa dagaaladii Muqdisho ka dhacay. Waxaana madaxa uga yaalla xabbadihii lagu dilay.

Maydka askarigan ayaa lala soo bandhigay kaararkiisii, iyadoo afhayeenka ciidanka Xarrakatul Shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab uu sheegay in dagaalkii maanta ay ku dileen askari ka tirsan ciidamada AMISOM ayna soo bandhigi doonaan.

Tan iyo billowgii sannadkan ayay dhowr jeer oo isku xigta soo bandhigay Xarrakatul Shabaab maydadka askar ka tirsan ciidamada AMISOM, iyadoo tiradii ugu badnayd lasoo bandhigay dhamaadkii bishii Feberaayo ee sannadkan xilligaas oo ay dagaallo culus ka dhaceen Muqdisho, waxaana askartaas ay ahaayeen kuwo u dhasha dalka Burundi.


Saraakiisha AMISOM ayaan ka hadlin askariga maanta laga dilay ee maydkiisa lasoo bandhigay, kaasoo ka mid ahaa ciidamada ka socda dalka Uganda oo inta badan ilaalo ka haya xarumaha dowladda KMG ah.

Muqdisho ayaa waxaa ku sugan 9,000 askari oo ka socda dalalka Burundi iyo Uganda kuwaasoo dowlada gacan ka siiya sidii ay isag caabin lahayd weerarada kaga imaanaya dhinaca Xarrakatul Shabaab oo ka talisa inta badan Muqdisho iyo gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya