
Arbaco, 02 February 2011 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo masuuliyiinta Xisbiyada iyo Golayaasha Qaranka, ayaa ka qayb-galay Xuska sanad-guuradii 17 ee Ciidanka Milatariga Somaliland, halkaas oo ay hadallo ka jeediyeen.
Munaasibaddan oo lagu qabtay Xarunta Ciidamada Milatariga Somaliland ee Hargeysa, waxa ka qayb-galay Madaxweyne Siilaanyo, Guddoomiyaha Guurtida, ku-simayaasha Guddoomiyayaasha Xisbiyada UDUB iyo UCID, Siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale.
Madaxweyne Siilaanyo oo halkaa hadal ka jeediyay, ayaa hambalyo u diray Ciidamada Qaranka, Äniga oo ku hadlaya magaca Shacabka Somaliland, kan Golayaasha iyo magacaygaba, waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan Ciidamada Qaranka iyo saraakiishooda, munaasibaddan awgeed. Waxaanan Ilaahay uga baryayaa in uu sanadka-sanadkiisa inagu gaadhsiiyo nabad-qab, Caafimaad iyo horumar,” ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Ciidanka Qaranku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha gundhigga u ah Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu lafdhabar u yahay difaaca iyo ilaalinta nabadgelyada dalka. Aasaaska Ciidamada Qaranku wuxuu ka soo bilaabmay halgankii dalka iyo shirarkii nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta, waxaanay Ciidanku ka soo qayb-qaateen gundhigga dimuqraadiyadda Somaliland iyo nabadda aynu ku naaloonayno.”
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ammaan u jeediyay Ciidamada, oo uu tilmaamay inay si wacan ula dhaqmaan dadweynaha ku dhaqan gobollada Somaliland. “Waxaan ku ammaanayaa anshaxa iyo habdhaqanka wanaagsan ee ay Ciidamadu kula dhaqmeen dadweynaha ku dhaqan Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle,”ayuu yidhi.
Siilaanyo waxa kale oo intii uu khudbaddaa ku jiray, amray masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga inay bilaabaan diiwaangelinta Ciidamada iyo agabkooda, “Si hore loogu dhamaystiro barnaamijka Derejada Ciidamada, taas oo qayb libaax ka qaadanaysa karaamada iyo qaranimada dalka,”ayuu yidhi Siilaanyo.
Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay, masuuliyiin ay ka mid ahaayeen, Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed X. Cali Cadami iyo Taliyaha guud ee Ciidamada Milatariga Nuux Ismaaciil Taani, kuwaas oo ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee Ciidamadu ay soo mareen intii ay jireen iyo hawl-galladii dhinaca amniga ee ay fuliyeen.
Waa xuskii u horreeyay ee uu ka qayb-galo Axmed Siilaanyo, tan iyo intii loo dhaariyay Xilka Madaxweynenimo 27-kii July 2010. 


Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
Hargeisa, Somaliland.