Boqolaal ka tirsan ciidammada Xarrakatul Shabaab oo tababar loogu soo gabgabeeyay degmada Marko

Arbaco, 02 Feberaayo, 2011 (HOL) – Xarrakatul Shabaab, ayaa boqolaal ka tirsan ciidammadooda maanta tababar ugu soo gabgabeysay degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose, kuwaasoo dhoolatus ciidan kusoo bandhigtay degmadaas.

"Waxaa, maanta farxad weyn inoo ah, inaan boqolaal ka tirsan mujaahidiinta gobolka u soo gabgabeyno tababar lagu baranayay diinta islaamka, waxaana uga mahadcelinaynaa arrinkaan, dhammaan intii gacan ka geysatay," ayuu yiri ku xigeenka guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Cabdulqani Maxamed Yuusuf (Kaba-jecel) oo ka hadlay xiritaankii tababarka.

Ciidammadan, oo ku labisan dharka isku mid ah, ayaa waxay kusoo bandhigeen gudaha degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose dhoola-tus ciidan, iyagoo ku dhawaaqayay erayo luuqada carabiga ku baxayay, oo ay ku sheegayeen inay diyaar u yihiin difaacidda diinta Islaamka.

"Cadowga, u soo hanqal-taagaya dalka, kuwa badda ku sugan iyo kuwa Muqdisho ku sugan, waxaan u sheegaynaa in dhallinyarada yaryar ay diyaar u yihiin inay idinka hor-istaagan damaciina, waxaana idin leennahay ku dhinta caradiina," ayuu Sheekh Kaba-calaf ku yiri hadalka uu jeediyay.

Sidoo kale, wuxuu digniin gaar ah u diray ciidammo uu xusay inay ku sugan yihiin deegaanka Jasiira iyo xerada Xalane, kuwaasoo uu sheegay inay u hanqal-taagayaan degmada Marka, balse ay dhallinyaradan diyaar u yihiin inay ka hortagaan.

Ma ahan, markii ugu horreysay oo Xarrakatul Shabaab ay boqolaal ka tirsan ciidankeeda u soo gabgabeyso tababar noocan oo kale ah, balse dhowr jeer oo hore ay tababarro kala duwan u soo gabgabeeyeen boqolaal ka tirsan ciidankooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaailya