Ciidanka Booliiska Gaalkacyo oo dad u soo qab-qabtay falal ammaan-darro ah oo degmadaas ka dhacay

Arbaco, 02 Feberaayo, 2011 (HOL) – Ciidamada amniga degmada Gaalkacyo ayaa howlgalo amniga lagu sugayo xalay ka fuliyay xaafadaha degmadaasi si gacanta loogu soo dhigo dad falal amni darro ah ka gaystay waqooyiga magaalada.

"Waxaa jira dad aan ku soo qab-qabanay howlgalladii aynu samaynay saacadahii ugu danbeeyay ,kuwaasi oo su,aalo la waydiinayo "ayuu yiri taliyaha qaybta boliska gobolka Mudug ee Puntland oo la hadlay idaacadda Horseed. Taliyaha ayaa xusay in qaybo ka mid ah degmada ay ku soo rogeen amarro cusub oo lagu sugayo amniga degmada oo aad u liitay habeenadii la soo dhaafay.

"Dadka qaar ee la qabtay wixi danbi lagu waayo waa la sii dayn doonaa,waxaana ku baaqayaa in ciidanka la taageero "ayuu hadalkiisa ku daray Aadan Nuur isaga oo ku sugan Gaalkacyo. Aadan Nuur Qaal ayaa ka digay in la carqaladeeyo amniga degmada ,isagoo oo taliska Gal-Mudug ka codsaday in ay is kaashadaan si amaanka loo hormariyo.

"Amaanka waxaa u masuuliyad ka saaranyahay cid kasta oo gobolka ku nool ,waana muhiim in laga wada shaqeeyo "ayuu xusay mar uu la hadlayay shacabka degmada. Magaalada Gaalkacyo oo ay ka wada taliyaan maamulada Puntland iyo Gal-Mudug ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jiray dhibaatooyin xaga amaanka oo labada dhinacba saameeyay.

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya