Xildhibaanno eedeeyn u jeediyay shirkadda SKA Air oo shalay howl tijaabo ah ka sameysay garoonka Muqdisho

Arbaco, 02 Feberaayo, 2011 (HOL) – Xubnaha guddiga gaadiidka cirka iyo dhulka ee baarlamaanka Soomaaliya oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa eedeyn u jeediyay shirkadda SKA Air & Logistic oo shalay howl tijaabo ah ka billowday garoonka diyaaradaha Muqdisho.

"Waxaan, ka soo horjeednaa howsha ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka bilowday Shirkadda SKA Air & Logistic oo aan sharci-yad ka haysan baarlamaanka" ayay shirkooda jaraa'id ku sheegeen xubnaha guddigan, iyagoo sheegay inay dhawaan soo bandhigi doonaan qaabka ay xubnaha shirkaddaas u shaqeeyaan.

Guddoomiyaha guddigan, Bishaaro Cabdi Geesey iyo xubnaha Maxamuud Maxamed Samatar iyo Cali Aadan C/llaahi oo si wadajir ah shirka jaraa'id uga hadlay ayaa sheegay in shirkadda SKA Air ay si sharci-darro ah kaga shaqeynayso dalka, iyagoo ku eedeeyay inay lunsatay daqligii DKMG ah kasoo geli lahaa garoonka diyaaradaha.

Shirkadda SKA Air ayaa shalay howl tijaabo ah ka bilowday garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana mas'uulka shirkadda oo ku sugan Muqdisho Mr. Martin Beale uu sheegay inay howshan  tahay mid tibaajo ah, balse ay howshooda si rasmi ah u bilaabayaan marka uu baarlamaanku ansixiyo heshiiskii ay dowladda la galeen.

Maareeyaha garoona diyaaradaha ee Muqdisho, Dable Bayloote ayaa isaguna xusay in shirkadda SKA Air iyo dowladda Soomaaliya ay heshiis wada-shaqeyneed kala saxiixdeen, ayna ku wareejinayaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Guddigan ayaa hadalkiisa wuxuu imaanayaa iyadoo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo uu toddobaadkan baarlamaanka sharraxaad ka siiyay shirkado ay horay uga dalbeen inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo, iyadoo shirkadda SKA Air & Logistic la sheegay in heshiis lagu horumarinayo garoonka Muqdisho ay la gashay DKMG ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaailya