Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay Muqdisho

Arbaco, 02 Feberaayo, 2011 (HOL) – Xildhibaan Maxamed Yuusuf Axmed (Kismaayo), oo mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka ee kasoo jeeda gobolka Jubbada hoose, ayaa ku geeriyooday shil gaari oo shalay ka dhacay Muqdisho, waxaana shilkaas ku dhaawacmay darawalkiisii iyo dhowr qof oo kale.

Geerida mudanaha, ayaa waxaa saxaafadda u xaqiijyay xildhibaanno baarlamaanka ka tisran, iyadoo sheegay inuu u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray shilka gaari, oo ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

"Xildhibaan Kismaayo, wuxuu ku geeriyooday isbitaalka, kaddib markii uu si xun ugu dhaawacmay shil uu galay gaarigiisii, waxaa shilkaas ku dhaawacmay dhowr qof oo rayida ah iyo darawalkiisii," ayay yiraahdeen mudanayaal saxaafadda uga warbixiyay geerida mudanaha.

Mudanahan, ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso Muqdisho, isagoo noqonaya kii ugu horreeyay oo ku dhinta shil gaari, waxaana horay ugu geeriyooday Muqdisho dhowr mudane, kuwaasoo isugu jira kuwo ku dhintay dagaalo, kuwo la dilay iyo kuwo u geeriyooday xanuuno lasoo darsay.

Geerida mudanahan, ayaa imaanaysa iyadoo guddoonka baarlamaanka uu dhawaan ku baaqay in dhamaan mudanayaasha baarlamaanka, ay dib ugu soo laabtaan dalka si ay uga qaybgalaan kulammada baarlamaanka oo ay ku sheegeen kuwo xasaasi ah.

Ururka Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD, ayaa soo-jeediyay todobaadkan in xilliga shaqo loo kordhiyo baarlamaanka Soomaaliya ee ka kooban 550-xubnood, marka la gaaro bishan Ogoosto sannadkan oo xilliga shaqo ee dowladda uu dhammaanayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya