Arbaco, 02 Feberaayo, 2011 (HOL) – Wasiir u dowlihii hore ee wasaaradda difaaca DKMG ah, Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde, ayaa ku eedeeyay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya inuu mas'uul ka ahaa dadkii ku dhintay shil Isniintii ka dhacay iridka hore ee isbitaalka Banaadir.
Sheekh Yusuuf Indhacadde, ayaa xukuumadda kula taliyay inay xilka ka qaaddo isla markaana maxkamad soo taagto wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, kaasoo dhawaan sheegay in hubka laga dhigayo ciidanka ay haystaan hoggaamiye kooxeedyadii hore.
"Runtii, waa wax laga xumaado in ciidanka dowladda ay xasuuqaan dad shacab ah, waxaana oran lahaa waxaa mas'uul ka ah wasiirka gaashaandhigga, xukuumaddana waxaan kula talinayaa in xilka laga qaado maxkamadna lasoo taago," ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde.
Hoggaamiyahan, oo sheegta inuu yahay guddoomiyaha garab dowladda kaga soo biiray ururkii Xisbul Islaam, sannadkii horena sheegay inay dowladda ka baxeen, ayaa xusay in gaariga dilka geystay uu kasoo baxay Villa Baydhabo oo ah taliska guud ee ciidammada dowladda, uuna halkaas dib ugu laabtay.
"Gaariga dilka dadka rayidka ah geystay, wuxuu kasoo baxay Villa Baydhabo oo ah taliska ciidammada qalabka sida ee dowladda, halkaas ayuuna ku laabtay, waana arrin si bareer ah loo geystay," ayuu hadalkiisa raaciyay.
Wasiirka Gaashaandhigga DKMG ah, ayaa isla maalintii uu dhacay shilkan oo ay ku dhinteen 17-qof, ayna ku dhaawacmeen dad ku dhow 40-qof, booqasho ugu tagay dadkii ku dhaawacmay shilkan, isagoo shaaciyay in kuwii ka dambeeyay falkaas sharciga la horkeeni doono.
Sheekh Yuusuf Indhacadde, ayaa sheegay in dowladdu aysan wax gargaar ah u fidin dadkii ku dhaawacmay shilkaas, kuwaasoo dhaawacyadooda lagu daweynayo isbtiaalka Madiina. Wuxuuna dhankiisa sheegay inay dhaawacyadaas ku taageeri doonaan wixii ay awoodaan.
Hadalka hoggaamiyahan, ayaa imaanaya iyadoo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, uu sheegay shalay oo Talaado ahayd inuu u saaray guddi wasiirro ah, baaritaanka dhacadii dadka lagu dilay ee ka dhacday isbitaal Baanadir.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya