Dagaallo saakay ka dhacay Muqdisho iyo maydka qof la dilay oo lasoo dhigay degmada Xamarweyne

Arbaco, 02 Feberaayo, 2011 (HOL) – Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah, ayaa ku geeriyooday dagaal iyo duqeymo Xarrakatul Shabaab iyo ciidammada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah ku dhexmaray saakay aroortii hore degmooyin ka tirsan Muqdisho, iyadoo qof mayd ahna lasoo dhigay saakay degmada Xamarweyne.

Dagaalladan, oo ka dhacay degmooyinka Hodan iyo Boondheere, ayaa yimid markii xoogagga Xarrakatul Shabaab ay weerarro ku qaadeen fariisimaha ay ku leeyihiin degmooyinkaas ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaa ku dhaawacmay in ka badan lix qof oo madaafiic ay kula dhacday goobihii ay ku sugnaayeen.

Madfac ku dhacay isgoyska suuqa Bakaaraha, ayaa dilay qof, saddex qof oo kalena dhaawcay, sida uu HOL u xaqiijiyay qof goobjooge ahaa. Sidoo kale madaafiic ku dhacay degmooyin kale ayaa sababay geerida laba qof iyo dhaawaca saddex kale.

Lama yaqaan, khasaaraha dagaalka kasoo gaaray dhinacyadii dagaalamay, sidoo kalena dhinacyadu kama aysan hadlin dagaallada ku dhexmaray Muqdisho oo ahaa kuwo culus, inkastoo ay madaafiic culus isku adeegsadeen.

Dhanka kale, maydka wiil 28-jir, saraakiisha booliisku ay sheegeen in xargo lagu lagu dilay, ayaa saakay lasoo dhigay kawaanka kalluunka ee degmada Xamarweyne, iyadoo aan la ogeyn cidda dilkiisa geystay iyadoo la sheegay inuu dhawaan ka yimid magaalada Kismaayo.

Saraakiil ka tirsan booliiska gobolka Banaadir, ayaa sheegay in maydka ay ku wareejiyeen gabar la dhalatay marxuumka, ayna wadaan baaritaanno ku aadan cidda geystay dilkiisa iyo sababta loo dilay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya