Arbaco, 02 Feberaayo, 2011 (HOL) – Hay'adda CCD, ayaa maanta uga furtay hotel Saxafi ee Muqdisho 150 oday-dhaqameed siminnaar ku saabsan nabadda. Waxaana furitaanka siminnaarkaas kasoo qayb-galay xildhibaanno baarlamaan, iyo marti sharaf kale, kuwaasoo khudbado kala duwan u jeediyay ka qaybgalayaashii siminnaarka.
Siminnaarkan, ayaa waxaa khudbado ka jeediyay xildhibaannada kala ah: Xasan Cali Warento, Salaad Cali Jeelle iyo C/llaahi Axmed Garuun, kuwaasoo xusay in oday-dhaqameedyadu ay yihiin kuwa keliya ee qayb ka qaadan kara nabadda iyo in lagu soo hago jidka wanaagsan dhallinyarada dagaallada wada, waxayna xildhibaannadu ku boorriyeen odayaashii kulankaas soo xaadiray, inay xaafadaha Muqdisho ku qabtaan wacyi-gelinno loga ku saabsan in dagaallada la joojiyo, lana horumariyo nabadda.
Xildhibaan Salaad Cali Jeelle, oo khudbad jeediyay, ayaa sheegay in odayaashu ay udub dhexaad u yihiin dhalinta nabadda iyo ka hortagga colaadaha, isagoo sheegay in haddii odyaashu ay isku duubni muujiyaan inay kooxaha iskasoo horjeeda ku qancin karaan inay dagaallada joojiyaan.
C/llaahi Axmed Garruun, ayaa isna sheegay in dhallinyaraa ay yihiin kuwa loo adeegsanay colaadda dalka ka taagan, ayna oday-dhaqameeyadu yihiin kuwii ku guuleysan lahaa inay isbadal ku sameeyaan dhallinyarada, wuxuuna xusay in dhibka dalka ka taagan uu yahay iyadoo isbadal muuqda lagu sameeyay dhaqankii Soomaalidu ay lahayd, sidaasi daraadeedna looga baahan yahay oday-dhaqmeedka inuu taas ku baraargo.
Nabadoon Khaalid Cabdi Jimcaale, oo ka mid ahaa odayaashii kulanka ka qaybgalay oo hadlay, ayaa isaguna sheegay in odayaashu yihiin awooddii dhallinyarada ka duwi lahayd jidka ay ku taagan yihiin ee lagu hurinay colaadaha, wuxuuna sheegay in sidoo kale odayaashu ay awood u leeyihiin inay dhallinyarada ka dhaadhiciyaan inay nabadda ka shaqeeyaan.
Gabagabadii furitaanka siminaarka, ayaa waxaa kaloo ka hadlay nabaddoon Shariif Xuseen Jilacow, Sheekh Muuse Caga-weyne, Ugaas Warsame Cali Suuley, nabaddoon Mahad Axmed Xaashi iyo Sheekh Axmed Maxamuud Jilicow oo dhammaantood siyaabo kala duwan uga hadlay baahida maanta loo qabo in dalka iyo dadka lagu soo dabbaalo nabad iyo xasillooni waarta, taasoo horseed u noqon kara in la helo dhallinyaro nabadda ka shaqeysa.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaailya