RA'IISUL WASAARAHA SOMALIA: "Magaalada Muqdisho 99% waxaa gacanta ku haysa Dowladda, waxaana ka socda dhisme iyo horumar"


Isniin, December 12, 2011 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliay, C/weli Maxamed Cali oo maanta wareysi siiyay isagoo ku sugan Muqdisho laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in 99% ay magaalada Muqdisho ka taliso Dowladda, isagoo xusay inay ka socdaan dhismayaal muujinaya in nabadgalyo wanaagsan ay ka jirto.

Dr C/weli Gaas wuxuu sheegay in markii ay xilka qabanayeen ay 70% gacanta ku haysay Xarakada Al-shabaab, balse ay maanta iyagu ka taliyaan, isagoo xusay inay taasi ku timid dadaal ay sameeyeen ciidamada DKMG ah iyo ciidamada AMISOM.

"Runtii dalka isbedel weyn ayaa ka dhacay, magaalada Muqdisho maanta waa xor 99%, taasoo ku timid dadaal ay sameeyeen ciidamada dowladda iyo walaalaheen AMISOM, waxaana ka socda isbedel dhisme iyo mid horumar," ayuu ku sheegay ra'iisul wasaaruhu wareysigiisa.

Su'aal ku saabsanayd ammaanka Muqdisho oo la weydiiyay ayuu kaga jawaabay in Al-shabaab markii lagaga adkaaday dagaalka tooska ah ayay bedeleen inay qaraxyo ka geystaan magaalada iyagoo beegsanaya haweenka nadaafadda iyo ardayda iyo dhallinyarada kubadda ciyaara.

"Maalamahaan Muqdisho waxaa ka dhacayay qaraxyo, balse qarax walba oo dhaca waxaa ka horreeya kuwo la fashiliyay, balse waxaa la sheegaa oo keliya qaraxa dhaca ee lama sheego midka la fashiliyay," ayuu yiri ra'iisul wasaare C/weli Gaas.

Ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in dowladdu ay dadaal weyn muujinayso si ay u sugto ammaanka, balse ay jiraan dhaliilo oo aysan inkirayn, laakiinse ay dowladdu mar walba isku dayaysaa inay xasiloonida adkeyso.

"Afar bilood ka hor magaaladu aad ayay uga duwan tahay maanta, meel walba waxaa ka socda dhisme... jiingad ayaa dhalaalaysa, taasna waxay ku timid nabad ay dadku dareemeen, awalba Al-shabaab waa joogtay maxaa magaaladda loosoo geli wayay, waa maxay sababta ay dadku maanta ugu soo gurmayaan?" ayuu is-weydiiyay ra'iisul wasaaraha oo ka jawaabayay su'aal ku saabsanayd inay dadku u soo jeedinayaan dowladda dhaliilo ku saabsan dhinaca sugidda ammaanka.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu ka hadlay siyaasadda, isagoo sheegay in lagu qabtay Muqdsho shir, dhawaanna lagu qaban doono Garoowe shirkaas wajigiisii labaad, isagoo sheegay in gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ay ka socdaan dagaallo lagula jiro Al-shabaab uuna rajeynayo inay dhawaan dowladdu gacantaq ku qaban doonto.

Wareysiga ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ahaa mid dheer ayuu sidoo kale kaga hadlay shirarka arrimaha Roadmap-ka oo uu khilaaf ka taagan yahay, isgaoo xusay inaan si wanaagsan loo fahmin, wuxuuna sheegay inuu ka kooban yahay afar qodob oo kala ah: nabadgalyo in waddanka loo sameeyo, in dastuurka dalka la sameeyo, dowlad-wanaagga in laga shaqeeyo iyo in laga shaqeeyo dib u heshiisiinta guud.

"Sidii dadka lagu fahamsiin lahaa innaga ayaa ka gaabinnay, waxaase la sameyn doonnaa in dadka la fahamsiiyo, shirarka dhacayana waxay qayb ka yihiin sidii lagu hirgelin lahaa Roadmap-ka," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ra'iisul waaare C/weli Gaas wuxuu sidoo kale sheegay in shirka Garoowe looga hadli doono qodob ka mid ah Roadmap-ka kaasoo ah dastuurka, wuxuuna sheegay in gabigiisa looga hadli doono sidii lagu dardargelin lahaa dastuur u sameynta dalka.

Gabgabadii ayuu ka hadlay khilaafyada u dhexeeya baarlamaanka isagoo sheegay in howl adag ay u taallo dowladda KMG ah, xilliganna aan loo baahnayn inuu yimaado is-qabqabsado u dhexeeya hay'adaha dowladda, balse loo baahan yahay iskaashi iyo wada-shaqeyn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News