Hay'adda ICRC oo Cambaareysay Duqeyn loo geystay xarun quudin oo ku taalla Degmada Baardheere

Isniin, December 12, 2011 (HOL) − Hay'adda laan-qeyrta cas ee caalamka (ICRC) ayaa cambaareysay duqeyn ay diyaarado dagaal u geysteen Sabtidii xarun lagu quudiyo hooyada iyo dhallaanka oo ku taalla degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

ICRC waxay duqeyntaas ku tilmaantay mid lagu soo beegay xilli ay cunno-yaraan ka jirto degmadaas, sidoo kalena ay baqdin ku abuurayso dadka halkaas ku nool oo la daalaa-dhacayay cunno yari.

"Waxaan ka walaacsannahay xalaadda degmada Baardheere," ayuu yiri Pascal Mauchle oo ah madaxa Soomaaliya ee hay'adda ICRC, isagoo sheegay in duqeyntu ay sababtay in dhaawacyo ay gaaraan xarunta quudin ee Baardheere.

Hay'adda ICRC ayaa waxay ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku hardamaya dalka Soomaaliya inay xushmeeyaan howlaha hay'adaha gargaarka ayna xaqiijiyaan sidii loo nabadgelin lahaa shaqaalaha samofalka iyo shacabka, taasoo qayb ka ah axdiyada caalamiga ah ee dunida u yaalla.

"Duqeyntan waa mid laga walaac; waayo waxaa lagu soo beegay xilli la billaabay in la quudiyo dadka nafaqo-darridu ay hayso," ayuu yiri Mauchle. Sarkaalku kama uusan hadlin khasaaraha nafeed ee duqeyntu ay geysatay.

Xarakada Al-shabaab oo ka talisa degmada Baardheere ayaa sheegtay in duqeynta ay geystay diyaarad dagaal oo ay leedahay Kenya, uuna ka dhashay khasaaraha dhimashada wiil 13-jir ah, kaasoo ka mid ahaa arday dhiganaysay iskuul uu gantaal ku dhacay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News