Faahfaahin dheeri ah oo kasoo baxaysa khasaaraha ka dhashay Qaraxyo lagu weeraray Ciidamada Kenya

Isniin, December 12, 2011 (HOL) − Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo ciidamada dalka Kenya lagula eegtay shalay gallinkii dambe deegaanno ku dhow degmooyinka Mandheera iyo Wajeer ee gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degmooyinkaas ayaa waxay sheegayaan in laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada Kenya lagu dilay qaraxyadaas oo marar kala duwan dhacay, iyadoo ay ku dhaawacmeen 12-askari oo kale.

Qaraxyadan ayaa laba ka mid ah waxay ka dhaceen meel ku dhow degmada Mandheera ee dalka Kenya, kaasoo ay ku dhinteen laba askari, saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale, qarax kale oo lagu weeraray kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya ayaa ka dhacay meel ku dhow degmada Wajeer ee gobolka Soomaalida ee dalka Kenya, waxaana halkaas ku dhaawacmay sagaal askarta Kenya ka tirsan.

Taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, Leo Leo Nyongesa ayaa ku eedeeyay weerarrada qaraxyada ah Xarakada Al-shabaab, waxaana xalay howlgalo laga sameeyay Mandheera iyo Wajeer lagu qabqabtay in ka badan 50-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ku xiran xabsiyada degmooyinkaas.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidammo fara badan oo Kenyan ah ku sugan yihiin saakay xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ee dhinaca Mandheera iyo Balad-xaawo, iyadoo loo diiday dadkii u gudbi jiray Mandheera inay halkaas maraan.

Xarakada Al-shabaab ayaa dhankeeda sheegatay mas'uuliyada qaraxyadaas, iyadoo xustay inay ku dishay askar badan oo Kenya ah, waxayna Al-shabaab wacad ku martay inay sii wadi doonto qaraxyada ay la beegsanayso ciidamada Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News