Isniin, December 12, 2011 (HOL) − Qarax kale oo ay ku dhaawacmeen lix qof oo uu ku jiro sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada sirta dalka Kenya ayaa maanta ka dhacay degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, iyadoo loog dabbaal-dagayay dalka Kenya sannad-guuradii 48-aad ee kasoo wareegtay markii ay ka xoroobeen Ingiriiska.
"Lida qof ee ku dhaawacmay qaraxa waxaa ku jira taliyaha sirdoonka degmada iyo darawalkiisii," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Wajeer, Kennedy Nyaiyo oo la hadlay saxaafadda, isagoo intaasku daray. "Afarta qof ee kale waxay ahaayeen shacab waxaana ku jiray laba haween ah."
Goobjooge lagu magacaabo C/raxmaan Cabdi oo ku sugan Wajeer ayaa sheegay in qaraxu uu haleelay gaari uu watay sarkaalka oo kasoo baxay garoonka kubadda cagta ee degmada, dabadeedna uu si lama filaan ah ula kacay qaraxa.
"Sarkaalku wuxuu ka mid ahaa mas'uuliyiintii sugayay ammaanka goobaha lagu xusayo xorriyadda," ayuu yiri goobjoogaha oo sheegay in dhaawacyada qaarkood ay ahaayeen kuwo halis ah, loona qaaday isbitaallada.
Weerarkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo shalay ay ka dhaceen Mandheera iyo Wajeer ah qaraxyo labadii maalmood ee ugu dambeeyay ka dhacayay gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, iyadoo qaraxyadii shalya ay geysteen dhimasho iyo dhaawac soo gaartay askarta iyo saraakiisha ciidamada Kenya.
Ma'suuliyiinta Kenya ayaa waxay qaraxyada ka dhacaya weli dalka Kenya tan iyo markii ay ciidamadooda kasoo gudbeen xuduudda ku eedeynayaan Al-shabaab, iyadoo Al-shabaab sheegatay mas'uuliyadda qaraxyadii ka dhacay Kenya illaa bishii Oktoobar ee sannadkan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya