Isniin, December 12, 2011 (HOL) − Guddoomiyaha isbaheysiga nabada Soomaliyeed (SPA) ahna guddoomiyaha xisbiga nabada iyo dimoqraadiyada Cabdullaahi Sheekh Xasan oo maalmahan ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa halkaas kula kulmay wasiirro ka tirsan Jabuuti iyo siyaasiyiinta safaaradaha dalalka shisheeye qaarkood u fadhiya dalkaas.
Mudane C/llaahi Sheekh Xasan ayaa dalka Jabuuti u tagay ka qayb-galka shir uu soo qabanqaabiyay machadka INTERNATIONAL DEMOCRATIC INSTITUTE oo lagu soo gabgabeeyay halkaas, wuxuuna shirkaas kaddib la kulmay wasiirka arrimaha diinta iyo owqaafa Jabuuti, Dr Xaamud Cabdi Suldaan iyo safiirka Hindiya u fadhiya dalka Jabuuti, Dr Yuusuf Xaaji.
Guddoomiyaha ayaa uga mahad-celiyay dowladda Jabuuti gacanta walaaltinimo ee ay mar walba u fidinayso walaalahooda Soomaliyeed isagoo uga warbixiyay hadafka siyaasadeed ee xisbiga SPDU iyo sida xisbigu uu u arko in lagu gaari karo xalka Soomaaliya xiligan kala guurka ah marka ay dhammaadaan bilaha u harsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Dhanka kale, guddoomiyaha isbaheysiga nabada Soomaliyed wuxuu soo dhaweeyay go’aanka dowlada Jabuuti ay ku gaartay inay Soomaaliya ciidammo ugu soo dirto si ay uga mid noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo sheegay inaysan shacabka Soomaliyeed u arkayn ciidammo shisheeye, balse ay u arkaan ciiidammo la mid ah kuwa dalkooda.
Dr. Xaamud Cabdi Suldaan ayaa dhankiida uga mahadceliyay C/llaahi Sheekh Xasan fikirka ah in Soomaaliya ay ka gudubto nidaamka qabiileysiga ayna u gudubto mid ay Soomaalida oo dhami isku kaashanayso si dalkooda uu uga baxo dhibaatada soo jirtay muddada dheer.
"Soomaaliya oo qabiil ka gudubta una gudubtay axsaab siyaasadeed sida caalamka kale waa mid aan soo dhaweynayo," ayuu yiri wasiirka diinta iyo owqaafta Jabuuti oo intaas ku daray in dowladda Jabuuti aysan kala xigsanayn Soomaliada oo dhan lana shaqeyn doonto cid walb a oo Soomaalidu doorato.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya