Xarakada Al-shabaab oo soo bandhigtay Aqoonsiyadii qaar ka mid ah Askartii Burundi ee ku dhintay Dayniile

AQOONSI.jpg

Isniin, December 12, 2011 (HOL) − Warsaxaafadeed ay soo saartay Xarakada Al-shabaab maanta oo Isniin ah ayaa lagu soo bandhigay magacyada iyo aqoonsiyada qaar ka mid ah askartii ciidamada Burundi ee ka midka ah AMISOM looga dilay dagaalkii ka dhacay degmada Dayniile.

Al-shabaab ayaa waxay ku sheegeen warka in iyagoo ka jawaabaya codsi uga yimid qaar ka mid ah qoysaska ay kasoo jeedaan askarta Burundi ay soo bandhigeen aqoonsiyada iyo magacyada qaar ka mid ah askartii Burundi looga dilay dagaal culus oo ay kula galeen Muqdsiho.

"Markii ciidamada Burundi ay soo bandhigi waayeen caddeymaha askarta looga dilay Muqdisho, codsiyana ay nooga yimaadeen qaar ka mid ah qoysaska askartooda looga dilay Muqdisho ayaan go'aansannay inaan soo bandhigno aqoonsiyada, magacyada iyo darajada 10 askari oo ku dhintay dagaalkii Muqdisho," ayay Al-shabaab ku tiri warsaxaafadeedka, iyadoo sidoo lagu soo badhigay qoraalka nooca dhiigga askariga, xilliga uu dhashay iyo halka uu ku dhashay.

AQOONSI3.jpg

Dagaalka lagu dilay askartan ayaa ka dhacay degmada Dayniile bishii Oktoobar ee sannadkan, iyadoo Xarakada Al-shabaab ay sheegtay inay kaga dileen dagaalkaas ciidamada Burundi in ka badan 76-askari oo ay kusoo bandhigeen deegaanka Calamada ee duleedka Muqdisho.

Balse dowladda KMG ah iyo taliska AMISOM ayaa sheegay in dagaalkaas lagu dilay 10-askarta Burundi ka tirsan laba kalena la la'yahay, balse ciidamo dhaawacmay oo la hadlay bishii hore wargeyska New York Times ayaa sheegay in dagaalkaas lagu dilay 70-askartooda ka tirsan.

Dhanka kale, Xarakada Al-shabaab waxay warsaxaafadeedkooda ku sheegeen inay u furayaan albaabbada wadahadalka qoysaska Burundi ee wiilashooda lagu dilay Soomaaliya, gaar ahaan kuwa doonaya in loo xaqiijiyo maydadka askartooda.

AQOONSI2.jpg
AQOONSI4.jpg
AQOONSI5.jpg
AQOONSI6.jpg
AQOONSI7.jpg
AQOONSI8.jpg
AQOONSI9.jpg
AQOONSI10.gif
AQOONSI11.jpg


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News