
Isniin, December 12, 2011 (HOL) − Agaasimaha Xarunta Agoomaha ee magaaladda Hargeysa, Marwo: Caasha Maxamuud Qaalib ayaa ka xog warantay Caruurta agoomaha ah ee xaruntan ku jira iyo baahiyaha kala duwan ee ay u baahan yihiin.
Agaasime Caasha waxay sheegtay inay isbedel balaadhan ka samaysay mudadii sanadka ahayd ee loo xil saaray xaruntan, waxaanay tilmaamay in ay kala habaysay dhamaan caruurta ku jira ee da’doodu kala duwan tahay iyo wakhtiyadda ay cuntadda u cunaayaanba.
Sidoo kale waxay xustay in baahiyadda ugu weyn ee imika horyaala ay tahay sidii ay guri u gaar ah hablaha ugu samayn lahayd isla markaana ay hadda gacanta ku haysto qayb ka mid ah kharashkii ku bixi lahaa gurigaasi, balse ay wax badan ka dhiman yihiin dhismaha gurigaas.
"Inta badan hablaha kuma badna halkan waayo habluhu waa bilis isla markaana anagaan jeclayn in aanu halkan ku xarayno oo inta badan waanu ku yaboohnaa cidii hayn karta, oo imika qoysas badan ayaanu ku qornaa oo korsadda "sidaas waxa tidhi Agaasimaha xarunta Agoomaha ee Hargeysa Caasha oo maanta u waramaysay HOL oo xafiiskeeda ku booqanay.
Agaasimaha oo kharashka ku baxay guriga hablaha loo dhisay tilmaamaysaa waxay tidhi " waxaanu doonaynaa in hablaha guri gaar ah u dhisno, maadaama ay habluhu yihiin cawro, marka gurigii aanu u dhisaynay waxa lagu soo qiimeeyey $56.000 dollar, waxaana lacag gaadhaysa $21,000 dollar noo soo diray qurba-joog balse wax badan ayaa hadda naga dhiman".
Waxa kale oo ay xustay in ay maanta caruurta agoomaha ee xaruntan ay heer marayso oo qaar ka mid ahi ay Jaamacadaha dalka ka qalinjabinayaan, qaarna ay dugsiyada sare dhigtaan, isla markaana ay qorshaynayso inay xukuumaddu meelayso marka ay soo qalin-jabiyaan ardaydaasi "Arday badan ayaa noo dhigata Jaamacadaha dalka, sanadkii horana 16 arday ayaa ka qalinjabiyey dugsiyada sare, imika waxa dugsiyada sare dhigta arday lagu qiyaasay sideetan arday oo dugsiyo kala duwan dhigta" ayey tidhi.
Xaruntan Agoomaha ee Hargeysa ayaa waxa ku nool caruur gaadhaysa afar boqol oo caruur, kuwaas oo da’doodu kala duwan ah, isla markaana kuwii ugu yar yar yihiin kuwii toddobaadkii u dambeeyey la keenay.
Caasha Qaalib waxay Culimada ka codsatay in ay caruurtan ay korinayaan ka qaybqaataan isla markaana doorkeeda ka qaataan oo ay dadka ka wacyigeliyaan caruurta dariiqyadda lagu soo daadinayo maadaama oo culimadu tahay dadka kaliya ee wax ka qaban kara Sidoo kale waxay ganacsatada ku boorisay inay ka qaybqaataan caruurta ku jira Xarunta oo loo baahan yahay in cidkasta oo wax tari kara wax tarto.
Agaasimuhu waxay sheegtay in inta badan caruurta la tuuro loo soo gudbiyo, isla markaana ay xaruntani iskugu jirto caruurta la tuuro ee dariiqyada laga helo iyo qaar agoon ah oo qoysaskoodu aanay awoodi Karin inay koriyaan, waxaanay si weyn ugu mahadnaqday dad faro badan oo soo caawiyey xaruntan, bulshadda inteedda kalana ka codsatay inay u baahan yihiin waxtarkoodda.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland