Labadii Urur ee ugu horeeyey oo ay kala hoggaamiyaaan Wadaad iyo haweenay oo Somaliland lagaga dhowaaqay


Isniin, December 12, 2011 (HOL) − Urur cusub oo ay gadhwadeen ka tahay Gabadh ayaa lagaga dhawaaqay Hotel Shiraaqle ee magaaladda Hargeysa, kaasoo ka qaybgali doona doorashooyinka dawladdaha hoose ee dhowaanta la rajaynayo inay dalka ka qabsoomaan.

Munaasibad balaadhan oo ay iskugu yimaadeen aqoonyahano, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo haween ayaa lagu furay urur siyaasadeedkan cusub oo la magacbaxay Ururka Nabadda, Dimuqraadiyada iyo Barwaaqadda Somaliland loona soo gaabiyey (NDP), taas oo ay hogaaminaysa haweenay aqoonyahan ah oo caanka ka ah Somaliland, isla markaana ah aasaasihii Jaamacadda Hargeysa ah marwo: Foosiya Yuusuf X. Aadan Qabile, waxaanay sharaxaad ka bixisay ujeedada ururkan loo aasaasay. " Ururkan oo sida fariin ah Nabad, Cadaalad, Dimuqraadiyad, Horumar iyo barwaaqo wuxuu leeyahay astaan iyo dastuur si wanaagsan looga soo shaqeeyey, kaas oo haddii uu guulaysto horumar iyo sinnaan u horseedaya dadka iyo dalkaba" ayey tidhi Foosiya.

Guddoomiyaha ururkan cusub waxa ay sheegtay inay mabaadiida ururkan yahay Diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Somaliland, isla markaana horumar balaadhan ka samayn doonto waxbarashadda Somaliland, shaqo abuur iyo warshado badan oo dalka laga hirgaliyo.

Haweenaydan ayaa noqonaya gabadhii ugu horaysay ee muujisa hankeedda siyaasadeed ee ay ku doonayso inay mustaqbalka isku soo sharaxdo madaxweynenimada Somaliland.

Dhinaca kale waxa isna lagaga dhowaaqay ururkii ugu horeeyey ee urur Diineed ah oo uu hoggaaminayo wadaad reer Somaliland ah, kaas oo xafladii furitaanka ku qabtay hotel Xaraf ee magaaladda Hargeysa.

Urur siyaasadeedkan cusub oo magaciisa la yidhaa Xisbullah ayaa waxa hogaaminaya qaar ka mid ah culima’udiinka Somaliland, kuwaas oo sheegay in ay dalka ku dhiqi doonaan shareecadda islaamka, isla markaana qofka xubinimada ka noqonayaa uu yahay uu yahay qof muslim ah, diintana ku dhaqma.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedkan cusub ee Xisbullah Sheekh Maxamed Cabdilaahi Geelle, ayaa sheegay in xisbigan aanay cidi lahayn ee ciskasta oo rabta inay diinta islaamka kor u qaada ay xubin ka noqon karto, isagoo ka mid noqoshada xisbigan ku xidhay saddex shuruudood oo kala ah "Shuruudda laga rabo Xisbullah qofka noqonayaa saddex qodob ayaa ugu muhiimsan, inuu yahay muslim, inuu yahay qof aan ilaahay wax kale la caabudin iyo inuu yahay qof ku qanacsan oo gaajo u qaba ku dhaqanka shareecadda" ayuu yidhi guddoomiyaha ururkan cusub Sheekh Geelle.

Ka dib markii raggu dhamaystay muxaaradii lagu furayey waxa soo galay dumarkii taageerayasha ururkan cusub, kuwaas oo taageero weyn u muujiyey ururkan cusub, haween weynaha Somaliland ku booriyey inay taageeraan urur Diimeedkan cusub oo Diinta kor u qaadaya.

Waxa isaguna maanta urur furtay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland, Dr: Maxamed Cabdi Gaboose, waxaana munaasibad si balaadhan loo soo agaasimay kaga dhowaaqay hotel Mansor ee magaaladda Hargeysa.

Urur siyaasadeedkan cusub ayaa loo bixiyey ururka UMADDA waxaana xaflad ay iskugu yimaadeen boqolaal ka mid ah dadweynaha Somaliland iskugu yimaadeen magaaladda Hargeysa, waxaanu sheegay inuu ka mid noqonayo ururada ka qaybgali doona doorashooyinka Somaliland.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland

More News