Maamullada Galmudug iyo Ahlu Sunna oo si wada jir ah howlgal u sameeyay

Isniin, April, 04, 2011 (HOL)  Ciidamo ka wada tirsan maamulka la baxay Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca ayaa howgal ay si wada jir ah u sameeyeen waxaa ku qaadeen Isbaarooyin kooxo maleeshiyo ah ku lahaayeen wadada u dhaxeysa deegaannka Galinsoor iyo degmada Gaalkacyo.

 

Howlgalka ayaa ahaa mid ka danbeeyay cabasho maalmahanba ay muujinayeen dadka ku safra wadada isku xirta Galinsoor iyo Gaalkacyo, kuwaasoo ka cabanayay dhibaatooyin ay u geystaan kooxo Jidgooyo dhigta, oo sida dadka safarka ah tilmaameen mar marka qaar kula kaca dhac iyo dhibaateyn kale.

 

Saraakiil ka tirsan labada dhinac ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalku ahaa mid mudaba laga shaqeeynayay islamarkaana wixii hadda ka danbeeya aan loo dulqaadan doonin kooxo hubeysan dadka ku dhibaateeyaan meelaha uu ka jiro maamulkooda, iyaga oo digniin u dirray kooxaha jigooyada dhigta.

 

Dadka ku dhaqan deegaannada howlgalka laga sameeyay iyo gadiidleyda ku safarta wadada isku xirta Galinsoor iyo Gaalkacyo ayaa siweyn u soo dhaweeyay howlgalka ay sameeyeen ciidamada labada dhinaca, iyaga oo sheegay in talaabadaasi noqon doonto mid wax weyn ka tari doonta amaanka dadka musaafurka ah.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

Beledweyne, Soomaaliya.

[email protected]