Wararka ay HOL ka helayso Dhoobley ayaa xaqiijinaya in 25-qof oo ay ku dhintay dagaalladaas ayna ku dhaawacmeen tiro ka badan 40-qof oo ay ku jiraan shacab, waxaana dhaawacyadaas qaaarkood la gaarsiiyay isbitaallo ku yaalla gudaha dalka Kenya, iyadoo gudaha Dhoobley lagu arkayo qaar ka mid ah maydadka dadkii ku dhintay dagaalladaas.
Sarkaal u hadlay kooxda Raaskambooni ayaa sheegay in dagaalkii shalay ay iyaga iy ciidamada DKMG ah ku qabsadeen Dhoobley, ayna ku dileen 35-dagaalyahan oo ka tirsan Xarrakatul Shabaab tiro intaas ka badanna ay ku dhaawaceen.
Ma'suulkan, ayaa sheegay in ciidamadooda iyo kuwa dowladda ay dagaalka uga dhinteen toddoba askari oo afar ka mid ah ay ahaayeen ciidamada dowladda, balse wararka aan helayno ayaa tirada intaas ka badaniya.
Afhayeenka ciidamada ee Xarrakatul Shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in ciidamadooda ay isaga baxeen Dhoobley, balse ma uusan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaartay dagaalka iyo khasaaraha ay u geysteen dhinacyadii ka horjeeday.
Sheekh Abuu-Muscab ayaa sheegay in sababta ay uga baxeen deegaanka Dhoobley ay tahay xeelad dagaal ayna ku sugan yihiin ciidamadooda duleedka deegaankaas, iyagoo isku diyaarinaya inay mar kale weeraraan.
Wasiir ku xigeenka gaashaandhigga xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xiddig oo saakay u warramay saxaafadda isagoo gobollada koonfureed ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada DKMG ah iyo kuwa Raaskambooni ay ku sugan yihiin deegaanka Dhoobley, ayna billow u tahay qorshayaal ay ku doonayaan inay ku qabsadaan gobollada Jubbooyinka.
Deegaanka Dhoobley oo ku dhow soohdinta u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa shalay ka dhacay dagaal culus, kaasoo socday afar saacadood iyadoo DKMG ah iyo Raaskambooni ay la wareegeen gacan ku haynta deegaankaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya