Xukuumadda Soomaaliya oo 90 cisho u qabatay Hay’adaha Qaramada Midoobay


Isniin, April 04, 2011(HOL): Xukuumadda Soomaaliya ayaa hay’adaha  Qaramada Midoobay ugu baaqday in ay u soo guuraan Magaalada Muqdisho, halkaasina ay howlahooda ku qabsadaan. Haddaba warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo arrintan ku saabsan isla markaana soo gaaray Xafiiska HOL ayaa u qornaa sidan:

 

 Maadama Dalka Soomaaliya uu muddo 20 sano ah ku jiray xaalado adag, isla markaana hay’adihii dastuuriga ahaa ay soo mareen marxalado kala duwan ayaa hadda waxaa muuqda ifafaallo horumar ah oo u baahan in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada socda oo ay ka mid yihiin soo celinta amniga, dib-u-habeynta dhaqaalaha, maamul wanaaga, dib-u-heshiisiinta iyo sidii shacabka somaaliyeed loo gaarsiin lahaa adeegyada muhiimka ah.

 

Si haddaba loo dardargeliyo horumarka la sameeyey waxaa muhiim ah in dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ee DFKMG ah, bulshada soomaaliyeed qeybahooda kala duwan iyo caalamkaba ay kaalin mug leh ka qaataan sidii ummadda soomaaliyeed looga saari lahaa marxalladan adag loona gaarsiin lahaa horumar iyo barwaaqo.

 
Caqabadaha heeysta ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ah hay’adihii Qaramada Midoobey oo aan la joogin shacabka Soomaaliyeed oo aan fadhigoodu aheyn Dalka gudihiisa. Waxaa hubaal ah in haddii hay’adahan uu fadhigoodu noqon lahaa caasimadda Muqdisho in xaaladda dalka uu wax weyn iska bedeli lahaa.

 

Sidaas daraadeed Xukuumadda FKMG ah iyadoo ka duuleysa waajibaadka ka saaran shacabkeeda iyo sidii loo xaqiijin lahaa in ummadda Soomaaliyeed la gaarsiiyo adeegyada bulshada sida gar-gaarka bani’aadanimo ayaa waxey go’aamisay in dhammaan hay’adaha Qaramada Midoobey ee ku howlan arrimaha Soomaaliya ay u soo guuraan magaalada Muqdisho muddo 90 maalmood ah gudahooda, si ay u sahlanaato in shacabka Soomaaliyeed loo fidiyo gargaarka ay sida deg-dega ah ugu baahanyihiin.

 

Xukuumadda FKMG ah waxey hubtaa in aysan danta ummadda Soomaaliyeed ku jirin in Nayroobi ay sii joogaan hay’adaha loogu talo galay inay u adeegaan bulshada Soomaaliyeed. Soo guurista hay’adaha QM ee Muqdisho waxey wax badan ka bedeli doontaa xaaladda guud sida amniga, abuurista shaqada, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka guud oo ay bulshadu si weyn ugu baahantahay.

 

Mar haddii marar badan ay Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-Moon iyo Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Augustine Mahiga ay sheegeen inay ka go’antahay in dhammaan hay’adaha QM ay u soo guurayaan Muqdisho, waxaa la joogaa waqtiga laga dhabeyn lahaa ballanqaadyadaas. DFKMG ah waxey ka codsaneysaa QM inay arrinkan siiyaan muhiimada uu leeyahay oo ay muddada 90ka maalmood gudahood ugu soo guuraan.

 

Ugu danbeyntii waxaan u mahadcelinayaa bulshada qeybaheeda kala duwan ee taageerada joogtada ah siiyey Dowladda, sida oday dhaqameedyada, dumarka, dhalinyarada iyo qeybaha kale ee bulshada oo shucuurta si joogta ah ugu muujiyey sida ay u taageersanyihiin Dowladdooda.

 

Garad Salad Hersi

Press Officer Office of the Prime Minister

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya






Isniin, April, 04, 2011 (HOL) Ciidamo ka wada tirsan maamulka la baxay Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca ayaa howgal ay si wada jir ah u sameeyeen waxaa ku qaadeen Isbaarooyin kooxo maleeshiyo ah ku lahaayeen wadada u dhaxeysa deegaannka Galinsoor iyo degmada Gaalkacyo.

Isniin, April, 04 2011 (HOL) Inkastoo rajadu dadku tahay mid hagaagsan, cirkuna muujinayo astaamo roobaad, ayaa haddana dhinaca waxaa la oran karaa wali xaalada abaarta ka jirta deegaanno badan oo ka tirsan goballka Hiiraan waa sideedii, gaar ahaan marka la eego dhulka fog ee miyiga oo ay ku nool yihiin dadka u badan xoola dhaqatada.

Isniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta xariga ka jaray xarunta Telefishinka Qaranka Soomaliyeed oo dib loo furay labaatan sano kaddib, kaasoo ku hadli doona afka dowladda.

Isniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Ciidammada badda dalka Holland ayaa dilay laba ruux oo burcadbadeed Soomaaliyeed oo afduub ku haystay dooni kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga dalkaas maanta oo Isniin ah.

Isniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Ugu yaraan saddex qof oo uu ku jiro askari ayaa ku dhintay dagaal ciidamo kawada tirsan dowladda maanta ku dhexmaray xaafadda Suuq boocle ee degmada Dharkeynely, iyadoo ay ku dhaawacmeen saddex qof oo shacab ah.

Isniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay miino ay sheegeen inay kasoo saareen inta u dhexeysa shineemo Hodan iyo xaafadda Siigaale ee degmada Hodan.

Isniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Xaflad ay xilalka kula kala wareegayeen taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka iyo taliyihii hore ayaa maanta ka dhacday taliska ciidamada dowladda Soomaaliya ee Villa Baydhabo.

Isniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Sida laga warqabo agoonta ku jirta xarunta agoonta ugaas khaliif ee Beledweyne waxa ay muddo dheer ku jireen guryo kiro ah, bilihii ugu dambeeyana waxaa lasoo dersay culeys xagga hoyga ah, kaddib markii beec lagu sheegay mid ka mid ah dhismihii ay ku jireen, oo maalin walba ay dallaaleyda dhulku ku dul wareegayaan, taasoo sabab u noqotay in dad badan oo kheyrka jecel ay u istaageen sidii ay agoonta ugu heli lahaayeen dhul ay iyagu leeyihiin, iyadoo uu ugu horeeyay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo runtii lahaa fekerkaas.

Isniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Majmaca culummada Soomaaliyeed oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa kasoo saaray war-mutiyeed ay uga soo horjeedaan shirka lagu wado inuu dhawaan ka dhaco magaalada Nairobi ee ay qabanqaabinayso Qarammada Midoobay.

Isniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo ka mid ah isimada Puntland ayaa sheegay in laga gudbay colaaddii u dhaxaysay beelaha Cali Saleebaan iyo Cali Jibraahiil oo maanta duug ku kala qaatay munaasabad ka dhacday madaxtooyada Bosaaso.

Isniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Ugu yaraan shan qof oo shacab ah ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaallo iyo duqeymo culus oo xalay iyo saakay ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Isniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Dowladda Soomaaliya, Xarrakatul Shabaab iyo kooxda Raaskambooni oo shalay uu dagaal ku dhexmaray deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa ka hadlay dagaalkaas, iyadoo weli laga dareemayo Dhoobley xiisado colaadeed oo u dhexeysa dhinacyadii dagaalamay.

Isniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa magacaabidda guddoomiyaha maxkamadda sare iyo dhaarintiisa ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanay, iyagoo sheegay in laga tagay qodobbo sharci ah oo ay ahayd in loo maro.

Isniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Maamulka Xarrakada Al-shabaab ee degmada Beledweyne ayaa xukun isugu jiray gacan goyn iyo tasiir waxaa ay ku fuliyeen labo wiil oo dhalinayarro ah kuwaasoo lagu soo eedeeyay in ay fal xatooyo ah ka geysteen goob ganacsi oo ku taal deegaannka Moqokori oo ka tirsan goballka Hiiraan.

Somali News

4/4/2011 12:43 PM EST
MOGADISHU, Somalia (AP) — Somalia's president inaugurated the country's first government-run TV station in two decades in the war-ravaged capital on Monday.

4/4/2011 12:19 PM EST
Mogadishu, Somalia (IRIN) – Up to 30 children suffering from acute watery diarrhea (AWD) are treated daily at the Banadir Hospital in Mogadishu, capital of Somalia, medical staff told IRIN.

4/4/2011 9:20 AM EST
Monday, 4 April 211(HOL) The Alshabab administration in Baletweyne town have sentenced two young men, who were accused of theft, to amputation and flogging respectively in Beletweyne, the capital of Hiiraan Region, executing both sentences immediately. An Alshabab court in Beletweyne has ordered the amputation of the right hand of one the accused men and the whipping of the other after hearing their case.

4/4/2011 7:26 AM EST
Monday, 4 April 2011 (HOL) At least five civilians have died and a dozen others have been wounded in a fierce fighting and shelling between Somali Government troops with their AMISOM allies and the Alshabab in Hodan and Howlwadag districts of Mogadishu Monday morning.

4/4/2011 6:27 AM EST
A Section of Somali memebrs of the Transitional Parliament have opposed the appointment the new Chief Justic, terming it as illegal and in breach of the constitution.

4/4/2011 5:04 AM EST
Dar es Salaam. The East African Community (EAC) secretariat has called upon member states of the trading bloc to jointly deal with Somali pirates whose attacks on commercial ships are stunting the region’s economies

4/4/2011 4:48 AM EST
One of the two Somali-Canadian women believed to have been lured from Toronto by the Al Shabaab is the niece of the prime minister of Somalia, sources say, and efforts are being made at the highest level in that country to get her out of the “clutches” of the outlawed terrorist group

4/4/2011 4:38 AM EST
The UN High Commissioner for Refugees, Antonio Guterres, yesterday urged Kenya to permit the expansion of residential areas for Somali refugees.

4/4/2011 4:35 AM EST
THE HAGUE, Netherlands – The Dutch defense ministry says its marines have killed two pirates and captured 16 in an operation to free a hijacked Iranian fishing boat off the coast of Somalia.
Click here