Isimmada Puntland oo soo dhaweeyay heshiiska beelo maanta duug ku kala qaatay degmada Boosaaso

Isniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo ka mid ah isimada  Puntland ayaa sheegay in laga gudbay colaaddii u dhaxaysay beelaha Cali Saleebaan iyo Cali Jibraahiil oo maanta duug ku kala qaatay munaasabad ka dhacday madaxtooyada Bosaaso.

"Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan dhinacyada xaliyay dhiilladii colaadeed ee u dhaxeeysay"Ayuu yiri Ugaaska oo la hadlay HOL.

Ugaas Xasan ayaa ugu baaqay labada beelood in ay wacyi galin ka soo sameeyaan goobihii dagaalladu ay ka bilowdeen markii hore ee baadiyaha ,isagoo intaa ku daray in darasnimada ay xushmeeyaan.

"Dhinacyada waxaa laga doonayaa in ay ka run sheegaan heshiiska dhexmaray,wayna haboontahay in la saxo khalaadaadkii horay u dhacay "ayuu hadalkiisa ku daray Ugaaska.

Sidoo kale Ugaas Xasan ayaa tilmaamay in nabadda ay tahay shayga ugu qaalisan ee lagu wada joogi karo,isagoo si gaar ah u xusay xiriirka walaaltinimo ee labada beelood ka dhaxeeya. "Arrinta maanta dhacday waa taariikhi,waana in kor loo qaada heshiisyada noocaan oo kale si looga gudbo colaadaha," ayuu intaa ku daray.

Beeldaaje Cali Faarax oo ka mid ah isimadii maanta duugta u gudoomay  beesha Cali Jibraahiil ayaa isna sheegay in uu aad u soo dhawaynayo arintan ,isagoo beelaha Soomaaliyeed ugu baaqay in arimaha soo dhex gala ay dhamaystaan.

Ugaas Xasan uu gudoomiye u ah gudiga dhex-dhexaadinta labadan beelood ayaa sheegay in qorsaha lagu dari doono sidii gabdho labada dhinac u kala gudoomi lahaayeen si meesha looga saaro arimihii horay u soo dhacay.

Ugu danbaytii beelaha Cali Saleebaan iyo Cali Jibraahiil ayaa ku guulaystay in dhexdooda ay dhamaystaan khilaafki u dhaxeeyay ,waxaana duugtii maanta la kala qaatay ay ahayd wajigii labaad oo ay ku kulmaan labada dhinac.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
Bosaaso,Soomaaliya