Ka qeyb-qaado dhismaha dhulka agoonta xarunta Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne


Isniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Sida laga warqabo agoonta ku jirta xarunta agoonta ugaas khaliif ee Beledweyne waxa ay  muddo dheer ku jireen guryo kiro ah, bilihii ugu dambeeyana waxaa lasoo dersay culeys xagga hoyga ah, kaddib markii beec lagu sheegay mid ka mid ah dhismihii ay ku jireen, oo maalin walba ay dallaaleyda dhulku ku dul wareegayaan, taasoo sabab u noqotay in dad badan oo kheyrka jecel ay u istaageen sidii ay agoonta ugu heli lahaayeen dhul ay iyagu leeyihiin, iyadoo uu ugu horeeyay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo runtii lahaa fekerkaas.

Muddo kadib waxaa leysla gartay in agoonta qeyb laga siiyo iskoolkii Buundo weyne ee magaalada B/weyne, maadaama 20kii sano ee ugu dambeeyay uusan si rasmi ah u shaqeynin, qeybta lasiiyay oo ah qeybta waqooyi oo inteeda badan bannaan aheyd, noqotayna meel qashinka lagu shubo, xoolaha baqtiyana lagu soo xooro, habeenkii lagu qayilo oo ciyaalkuna ay kubadda ku ciyaaraan sida sawirada ka arki doontaan, ayaa la doonayaa in agoonta looga dhiso dhismo cusub oo hoy iyo waxbarashaba leh,si ay uga baxaan baahida dhuleed ee lasoo deristay.

Haddaba walaalaha Soomaaliyeed ee kheyrka jecel gudaha iyo dibaddaba waxaa si naxariis leh oo Alle dartiis ah looga codsanayaa iney gacan ka geystaan dhismaha dhulkaas loogu magac daray "dhismaha dhulka agoonta xarunta ugaas khaliif", leydiin sheegi maayo faa'iidada qofkii agoon waxtara, waxaana jira guddi loo xil saaray dhismaha dhulka agoontaas oo ka kooban 15 qofood, oo loo bixiyay guddiga dhismaha dhulka agoonta xarunta ugaas khaliif, magacyadooda & waliba telefoonadooda hoos ayaad ka heli doontaan, waxaana intaa dheer in xawaaladda Dahabshiil looga furay koonto lacagaha loogu soo shubi karo oo ah sida hos ku cad:

Liiska guddiga dhismaha dhulka agoonta xarunta ugaas khaliif

1- Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif                     +254722907283
2- X. Cismaan Dhagaxoow                                +252615564002
3- Ibraahim Cali Axmed (saneey)                       +252615327424
4- Nuur Cumar Cali                                           +252615580621
5- C/qaadir Nuur Liibaan                                   +2525965836
6- Sallaal Labani                                                +252615564173
7- Xasan Max'ed Fareey (Computer)                 +252615578257
8- Aadan Sahrif Amiin                                        +252615510392
9- Xasan Ibraahim Xalane                                  +252615580669
10- Abuukar Cali Keynaan                                 +252615564001
11- Muumin C/lle Xasan (M-dheere)                  +252615576093
12- Xasan Cismaan Xuuriye                               +252615748571
13- Sh. Cumar Cali C/lle (C-lugeey)                   +252615221306
14- Saalim X. Cumar Jaabiri                               +252615517102
15- C/llaahi Yuusuf Gaab                                    +252615564087

Magaca koontada waa "Dhismaha dhulka agoonta xarunta ugaas khaliif" Xawaaladdu waa Dhabshiil
Account nr.: BWYD000056. Wixii faah-faahin intaa dheer kala so xiriira telefoonada guddiga ama e-mailka hoose [email protected].

Sidoo kale qof kasta waxa uu ku soo diri karaa hadba xawaaladda uu la leeyahay macaamilka, isagoo ku soo caddeynaya magaca koontada oo ah "Dhismaha dhulka agoonta xarunta Ugaas Khaliif".



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya