Dagaalladan oo ahaa kuwo culsu ayaa qarxay markii xoogagga Xarrakatul Shabaab ay weerarro ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM kaga sugnaayeen degmooyinkaas.
Hugunka madaafiicda culus ayaa xalay laga maqlayay degmooyinka ay dagaalladu ka dhaceen, iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay madaafiic iyo rasaasi ugu tagtay goobihii ay ku sugnaayeen.
Inkastoo dhinacyada hardamay aysan dagaalka ka hadlin lana ogeyn khasaaraha ka kala gaaray, ayaa haddana wuxuu mar kale dagaalku qaraxay saakay, waxaana hubka ay dhinacyadu isku adeegsanayeen ka mid ahaa midka culus, iyadoo aanay jirin goobo dagaalladii xalay iyo saakay lagu kala qabsaday.
Dagaalladan iyo duqeymahan ka dhacay Muqdisho ayaa daba-socday dagaallo maalmihii lasoo dhaafay dhinacyadan ku dhexmarayay degmooyinkan, kuwaasoo dhaliyay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Xaaladda ayaa saakay daggan, iyadoo mararka qaarkood laga maqlayo degmooyinkii lagu dagaalamay rasaas goos-goos ah oo mararka qaarkood dhacaysa, iyadoo jidka loo maro bakaaraha oo dhexmara degmada Howlwadaag si caadi ah saakay loo isticmaalayay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya