Xaflad ay xilalka kula kala wareegayeen taliyaha cusub iyo taliyihii hore ee ciidanka xoogga oo Muqdisho ka dhacday

Isniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Xaflad ay xilalka kula kala wareegayeen taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka iyo taliyihii hore ayaa maanta ka dhacday taliska ciidamada dowladda Soomaaliya ee Villa Baydhabo.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliyihii hore ee milateriga Gen. Axmed Geeddi Jimcaale iyo taliyaha cusub Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, iyagoo hadallo ku saabsan howlaha ciidanka milateriga Soomaaliya ka jeediyay xafladda ay xilalka kula kala wareegeen.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Gen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo xafladda ka jeediyay hadalkii ugu horreeyay ayaa sheegay in taliyihii hore uu howl wanaagsan qabtay, loogana baahan yahay taliyaha cusub inuu howshaas halkeedii kasii wado.

"Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta goobjoog ka ahaado xafad aan xilkii la ii magacaabay ku wareejinayo, anigoo ku faraxsan in xilkaygii loo magacaabo ugaas kale, waxaana ka codsanayaa inuu howsha halkeedii kasii wado," ayuu yiri taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Jimcaale.

Taliyaha cusub ee milateriga Gen. C/qaadir Diini ayaa isna hadlay ayaa yiri: "Waxaan u mahadcelinayaa taliyihii hore iyo dhammaan ciidanka xoogga dalka, anigoo ugu hambalyeynaya howsha adag ee ay qabteen iyo nafhurnimada ay sameeyeen muddadii ay shaqeynayeen."

Gen. C/qaadir Diini ayaa sheegay inuu howsha halkeedii kasii wadayo, balse uu kula talinayo ciidamada milateriga inaysan shacabka dhibaateyn ee ay garabsadaan. Wuxuu intaas ku daray inay taliyihii hore ka sugayaa inuu ku biiriyo wixii khibradda uu u leeyahay hoggaaminta ciidamada iyo waaya-aragnimadiisii intii uu xilka hayay.

"Askari walba oo shacabka dhibaateeya sharciga ayaa lala tiigsanayaa, waxaana lagu qaadi doonaa wixii uu sharcigu ku xukumo," ayuu yiri Gen. C/qaadir Diini iyadoo sidoo kale ay xafladda ka hadleen xubno uu ku jiray wasiir u dowlaha wasaaradda gaashaandhigga.

Xafladda ayaa kusoo gabgabowday jawi daggan, iyadoo intii ay socotayna ay heeso kusoo bandhigeen qaar ka mid ah fannaaniinta Soomaaliyeed, iyadoo heesahoodu ay ahaayeen kuwo isugu jiray guubaabo iyo dhiirrigelin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya