Isniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Majmaca culummada Soomaaliyeed oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa kasoo saaray war-mutiyeed ay uga soo horjeedaan shirka lagu wado inuu dhawaan ka dhaco magaalada Nairobi ee ay qabanqaabinayso Qarammada Midoobay.
Kulankan ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa qoraalkii kasoo baxay saxaafadda u akhriyay Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow isagoo sheegay inay dajire Augustine P. Mahiga iyo Qarammada Midoobay ay ka codsanayaan inay tixgeliyaan xorriyada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
''Shacabka Soomaaliyeed isaga ayaa awooda u leh inuu xalliyo khilaafaadkiisa, balse wuxuu u baahan yahay in la kaalmeeyo sida ay dhammaan bulshooyinka caalamka ugu baahan yihiin in la caawiyo, kaalmadaasna waxaan ka sugaynaa Qarammada Midoobay laakiin kama aynaan helin," ayuu yiri Sheekh Dhicisow.
Warmurtiyeedka ayay culummadu kasoo saareen kulankooda ayay ku sheegeen inay gabi ahaan kasoo horjeedaan shirka lagu wado in bishan bartamaheeda uu ka dhaco dalka Kenya, kaasoo lagu martiqaaday dhammaan maamullada ka jira dalka.
"Majmaca culummada waxay soo dhaweynayaan kaalmo aan shuruud ku xirnayn oo caalamka uu siiyo shacabka Soomaaliyeed," ayuu lagu yiri war-saxaafadeedka uu akhriyay Sheekh Dhicisow, isagoo intaas ku daray in looga baahan yahay caalamka oo dhan in la dhowro xorriyaddii ay Soomaaliya qaadatay sannadkii 1960-kii.
Sheekh Dhicisow, wuxuu intaas raaciyay in danjire Mahiga uu rabitaanka shacabka Soomaaliyeed dhinac maray, wuxuuna madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inaysan ka qaybgelin shirkaas, isagoo xusay in shareeco ahaan uu yahay mid aan bannaanayn, maadaama uu maslaxad shacabka Soomaaliyeed kasoo horjeedo.
Ugu dambeyn qoraalka kasoo baxay culummada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in qofkii shirkaas ka qaybgalay uu noqonayo dambiil, shacabkana ay kasoo qaybgalaan bannaanbax la qabanayo maalinta Khamiista ah ee soo socota, kaasoo looga soo horjeedo shirkaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya