4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 13, 2010
Madaxweyne Siilaanyo oo Guddoomiyayaal iyo ku-xigeenno u magacaabay gobollada Somaliland

Jimco, 13 August 2010 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magacaabay dufcaddii labaad ee Xukuumaddiisa, kuwaas oo ka kooban guddoomiyayaasha gobollada dalka iyo ku-xigeennadooda.

 

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo nuqul ka mid ahi HOL soo gaadhay, madaxweynuhu wuxuu magacaabay guddoomiyayaasha gobollada, kuwaas oo bedeli doona guddoomiyayaashii xukuumaddii hore ee Rayaale.

Warsaxaafadeedkaasi wuxuu u dhignaa sidan;

 

"Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu gudoomiyeyaal cusub u magacaabay gobolada Maroodi Jeex,Togdheer,Saaxil, Hawd, Gabiley, Sarsar, halka uu gobollada Sanaag iyo Salal dib ugu magacaabay Badhasaabadii hore u joogay inay hawsha halkaa ka sii wadaan..

 

Madaxweynuhu, isaga oo tix-raacaya qodobka 90-aad ee dastuurka JSL, isla markaana tix-gelinaya ahmiyada wayn ee ay goboladani u leeyihiin dhismaha Qaranka, tixgaliyayna kartida, aqoonta iyo hufnaanta shaqo ee ay leeyihiin waxa uu u magacaabay in ay guddoomiyayaal ka kala noqdaan;

 

1. Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Mudane Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje).

Gudoomiye ku xigeen gobolka Maroodi-jeex:Mawliid Weris Cabdilaahi

2. Gudoomiyaha Gobolka Togdheer. Yaasiin Maxamed Cabdi

Gudoomiye ku xigeen gobolka Togdheer: Cabdi Daahir Caynaanshe

3. Gudoomiyaha Gobolka Saaxil: Maxamuud Cali Hayste (Ramaax)

Gudoomiye Ku xigeen gobolka Saaxil khaddar Cali Cilmi

4. Gudoomiyaha Gabilely Rashiid Cumar Sh. Maxamed

Gudoomiye ku xigeen gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case)

5-Gudoomiyaha Gobolka sool Mudane Cabdilaahi UJaamac Diiriye,

Gudoomiye ku xigeen gobolka Sool

Axmed Aadn Carte

6- gudoomiyaha gobolka Hawd: Jamaal Xuseen Hurreh

Gudoomiye ku xigeen gobolka Hawd khaddar Ibraahin Jaamac

7-Gudoomiyaha gobolka Saaraar: Ibraahin Xasan Cali

Gudoomiye xigeen gobolka Saaraar: Ibraahin Jaamac Maxamed

8-Gudoomiyaha gobolka Sallel: Maxamed Muuse Bucul

9-Gudoomiyaha gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurreh (dib-u-magacaabid)

 

Madaxweynuhu waxa uu gudoomiyeyaashii hore iyo ku xigeenadooda hore ee gobolada Maroodi-jeex. Saaxil, Togdheer, Sool, Saraar, Hawd iyo Gabiley uga mahad-celiyay mudadii ay xilka soo hayeen, iyada oo ay sunnaha dawladnimotahay isbedelku awgeedna waxa uu Madaxweynuhu faray inay sida ugu dhakhsaha badan ugu wareejiyaan masuuliyiinta cusub ee xilalka loo magacaabay."

 

 

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online

[email protected]

Hargeisa, Somaliland.