Hay'adda Culummada Soomaaliyeed oo dagaallada ka socda Soomaaliya ku tilmaamay kuwo siyaasadeed

Jimco, August 13, 2010 (HOL) - Hay'adda Culummada Soomaaliyeed ayaa maanta ku tilmaantay dagaallada ka socda Soomaaliya inaysan ahayn kuwo diimeed, balse ay yihiin kuwo siyaasadeed.

"Dagaallada ka socda Soomaaliya waa kuwo siyaasadeed lama oran karo waa kuwo diimeed, waayo dadka dhibaatada ugu weyn ay kasoo gaarayso waa shacab u badan caruur iyo waayeel," ayuu yiri guddoomiyaha Hay'adda Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo saxaafadda Muqdisho la hadlayay.

Sheekhu wuxuu sheegay in kooxaha Islaamiyiinta iyo xukuumaddu ay mas'uul ka yihiin dhibaatooyinka gaaray dadka shacabka ah ee dushooda lagu dagaalamayo, wuxuuna dhinacyadan hardamaya ka dalbaday inay joojiyaan dagaallada ayna wadahadal ku dhameeyaan khilaafkooda.

Mar uu ka hadlay dagaallada u dhexeeya ciidamada AMISOM iyo kooxaha diidan joogitaankooda ayuu sheegay in dagaalladaas ay yihiin kuwo aan lagu sifeyn karin Jihaad, isagoo xusay in muslimiin badan ay dhibaato kasoo gaarto dagaallada lagu qaado ciidamadaas.

Hay'adda Culummada oo la aasaasay sannadkii hore ayaa waxay dhowr jeer oo hore ku baaqday in la joojiyo dagaallada ka socda gudaha dalka, kuwaasoo u dhexeeya ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo kooxaha kasoo horjeeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya