Waxaa la sheegay in dagaalka uu ka bilowday saldhig ay ciidamada Puntland ku lahaayeen tuulada Madarshoon oo 20- KM u jirta buuralayda Gal-Gala
Wasiirka amniga Puntland Yuusuf Axmed Khayr oo maanta u waramay idaacadaha Bosaaso ayaa sheegay in dagaal gaadmo ah ay soo qaadeen ciidamada sheekh Attam ee ku sugan buuraha Gobolka Bari.
"Waxaa ciidanku ay dileen cutubyo ka tirsan firxadka Attam,waxaana aan ku suganahay saldhigyo ay horey u lahaayeen ' ayuu yiri wasiirka oo waraysi siiyay idaacada Horseed Media Bosaso.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Sheekh Attam ,waxaana dagaalka uu ahaa maanta barqadii mid u socday si goos goos ah,iyadoo dhawaqa hubka ay adeegsanayeen labada dhinac laga maqlayay tuulooyinka ku dhow dhow Gal-Gala.
Dagaalka u dhaxeeya dhinacyada dowlada iyo ciidamada Attam ayaa intii u socday waxa uu gaystay khasaarooyin kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray labad dhinac .
Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya