Amniga Magaalada Boosaaso oo aad loo adkeeyay

Jimco, 13, August, 2010 (HOL)- Amaanka magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka bari ayaa aad loo adkeeyay ,xilli ay jiraan dagaalo ay dowladu kula jirto ciidamada uu hogaamiyo Sheekh Maxamed Siciid Attam.

Ciidamo ka tirsan dowlada ayaa la geeyay xaafadaha ay ka koobantahay Bosaaso ,waxaana jirta cabsi la xiriirta in dagaalka Gal-Gala uu saamayn ku yeesho magalada.

Wasiir ku xigeenka amniga Puntland C/risaaq Xareed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay diyaar u yihiin sidii ay u difaaci lahaayeen Bosaaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland.

"Bosaaso waxaa ilaalinteeda uu waajib ka saaranyahay qof kasta oo soomaali ah oo ku nool gudaheeda " ayuu yiri wasiirka mar uu la hadlayay warbaahinta gudaha.

Waxaa kaloo wasiirka uu sheegay in dagaalka Gal-Gala ay ka danbeeyaan dad ka baxsan Gobolka ,balse maamulku uu soo gaba gaba gabayn doono billo gudahood.

Howlahan amni sugidda ah ee Bosaaso ka socda ayaa imaanaya ,iyadoo ay socdaan abaabulo dagaal oo u dhaxeeya Puntland iyo Ciidamo uu hogaamiyo Sheekh Maxamed Siciid Attam.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya