Jimco, August 13, 2010 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Ammaanka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in wasaaraddiisu aysan qorshaha ugu jirin in dhibaatada ka taagan Soomaaliya ku xalliso dagaal.
"Ma doonayno inaan xal ku gaarno dagaal, wasaaraddana uma qorsheysna, waxaan ku dadaali doonnaan inaan wadahadal xalka ku gaarno," ayuu yiri Axmed C/salaan oo saxafiyiinta kula hadlay Muqdisho shalay kaddib markii uu kasoo laabtay safar dibadeed.
Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda ay iska difaaci doonto weerar walba oo lagu soo qaado, ayna ciidamada dowladdu yihiin inay difaacaan Qaranka, isagoo xusay inay dadaal u galayaan in xalka lagu gaaro wadahadal iyo nabad.
"Dhibaatada dalka ka jirta waxaa saldhig u ah shaqo la'aanta haysata dhallinyarada, waxaan wadnaa qorshe aan ku doonayno inaan dhallinyarada shaqooyin ugu abuurno, waayo qofka haddii uu shaqo waayo, wuxuu shaqo ka dhiganyaa qoriga," ayuu yiri Wasiirka ammaanka Qaranka.
Wasiirka ayaa hadalkiisan kusoo beegay xilli ay kooxaha kasoo horjeeda DKMG ah ay ku baaqeen inay kordhin doonaan dagaallada ay kala horjeedaan dowladda iyo ciidamada AMISOM ee ay gacanta ka helaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya