Madaxweynaha Cusub ee dowlad Gobleedka Hiiraan oo shir jaraai’d qabtay


Madawxeynaha Cusub ee dowlad goboleedka Hiiraan Mudane Maxamuud Cabdi Gaab (Midigta) iyo Ku-Xigeenkiisa Mudane Isaaq Cali Cabdulle


Jimco, Agoosto 13 (HOL) – Madaxweynaha Cusub ee dowlad Gobleedka dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Nairobi Mudane Maxamuud Cabdi Gaab  ayaa shir jaraa’id maanta ku qabtay Hotelka Andolus ee magaalada Nairobi. 

Madaxweyne Maxamuud Cabdi Gaab uu wehliyo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa Mudane Isaaq Cali Cabdulle  ayaa wuxuu warbixin dheer  ka bixiyey sababta keentay in maamul loo sameeyo gobolka Hiiraan isaga sheegay in dhibaatada maanta ka taagan gobolka Hiiraan aanan indhaheelaga qabsan karin. Mudane Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadlay  taariikhda dheer ee uu leeyahay Gobolka Hiiraan iyo sida caddaalad darrada ah ee ay ula dhaqmeen dhammaan dowladihii soo maray.

Mar ay HOL weydiisay  tallaabada ugu horeysa uu qaadiyo iyo sida looga hirgalin karo maamulkiisa gobolka Hiiraan oo ay maamusho Xarakada Al-Shabaab ayaa waxaa jawaabtiisa ka mid ahaa “Cidd kasta oo ku sugan gobolka Hiiraan waxaan u sheegeynaa in dadweynaha reer Hiiraan ay sameysteen maamul , waa in maamulada halkaas ka jira ay ixtiraamaan rabitaanka shacabka reer Hiiraan si nabadgalyo lehna ay xukunka ugu wareejiyaan maamulka la doortay.”  waxaa kale uu intaa ku daray in maamulkiisu diyaar u yahay in wax waliba lagu xalliyo si nabad leh.

Mudane Maxamuud oo ka jawaabayey su’aal ahayd  sida ay dowladda Federaalka u aragto maamulkan cusub ayaa wuxuu sheegay in dowladda Federaalka aysan shaqo ku lahayn maamul uu sameynta gobolka Hiiraan, arrintaasna ay gaar u tahay dadweynaha reer Hiiraan balse uu soo dhaweynayo wixii wanaaga iyo wadashaqeyn ah.


Wariyiyaashii ka soo qaybgalay shirka jaraa'id

Doorashadaan lagu  doortay Mudane Maxamuud Cabdi  ayaa waxaa goob joog ka ahaa sagaal (9) bilood oo wada degga gobolka Hiiraan. Waxaa shirkaas markii labaad qaadacay beelaha Gaal Jecel iyo Baadi Cadde oo lagu guul dareystay in lagu soo daro maamlkan cusub.

Mar uu ka jawaabayey Mudane Maxamuud Cabdi Gaab waxa uu ka yeelayo beelaha aan ka soo qaybgalin maamulkiisa ayaa wuxuu yiri “Beelaha Gaal jecel iyo Baadi Cadde waa dad walaalaheyn ah mana kala maarno. Qayb weyn ayeeyna ku leeyihiin maamulkan iyo sidii nabad waarta loogu soo dabaal lahaa gobolka Hiiraan. Waxaan rajeynayaa in khilaafaadka noo dhexeeya si nabagalyo  leh lagu soo xalindoono ”

Maamulkaan Cusub oo bishan 10keedii laga dhawaaqay magaalada Nairobi ayaa waxaa hortaala dhibaatooyin ay ka mid yihiin sidii uu maamulkan uga hirgalin lahaa gobolka Hiiraan iyo sidii uu ka heli lahaa dhaqaale lagu hirgalyo maamulkaas.