Jimco, August 13, 2010 (HOL) − Dowladda Yugaandha ayaa kusoo bandhigtay shalay magaalada Kampala ee xarunta dalkaas afar qof oo loo haysto inay ka dambeeyeen qaraxyadii bishii hore ka dhacay laba goobood oo lagu daawanayay ciyaaraha adduunka.
![]() |
|
Idris Nsubuga, midig, wuxuu yiri: "Ma ogeyn saameynta ay qaraxyadaas yeelan karaan" |
Nsuabuga oo 30-jira ah ayaa sheegay in falka uu sameeyay ay dadku rumeysan yihiin inuu ahaa dambi weyn oo aan geystay, wuxuuna hadalkiisa raaciyay "Waxaan sameeyay fal dhibaato ii keenay."
Kooxdan dhallinyarada ah ayaa loo haystaan inay ahaayeen kuwii abaabulay qaraxyo ka dhacay Kampala 11-kii July-dii aan soo dhaafnay, kuwaasoo dilay ugu yaraan 76-qof oo ahaa dad laba goobdood ku daawanayay ciyaartii ugu dambeysay koobkii Adduunka ee lagu qabtay dalka Koonfur Afrika.
"Waxaan cafis weydiisanayaan qoysaskii, ehelladii iyo saaxiibadii dadkii ku dhintay qaraxyadaas oo aan gacan ka geystay fulintooda," ayuu yiri Idris oo mararka qaar wajiga qabsanayay intii uu ka hadlayay shir jaraa'id oo ay dowladda Yugaandha soo qabanqaabisay.
Afarta qof ee lasoo bandhigay waxaa ku jiray Ciise Axmed oo 32-jir ah, kaasoo ka sheegay shirka saxaafadeed inuu ka tirsan yahay Xarrakatul Shabaab uuna gacan ka geystay qaraxyadii ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Kampala.
Ciise, wuxuu sheegay in sababta uu u geystay qaraxyadaas ay ahaayeen isagoo doonayay inuu dilo dad Mareykan ah oo ku jiray goobta lagu daawanayay ciyaarta, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay cadaawad kala dhexeyso Mareykanka ayna u qorsheysnayd inuu ku beegsado meel walba oo uu ku arko.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dalka Yugaandha ayaa sheegay in afartan qof ay si cad u qirteen inay gacan ka geysteen qaraxyadaas, maxkamadna lasoo taagi doono, inkastoo aan la ogeyn waxa uu xukunkoodu noqon doono.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdihso, Soomaaliya
