Jimco, August 13, 2010 (HOL) - Tahriibayaal Soomaaliyeed ayaa ku dhintay Gobolka Jiisaan ee dalka Sucuudiga oo ku dhow xuduudda u dhexeeya dalalka Sucuudi iyo Yemen, kaddib markii ay cuneen raashin dhacay sida ay sheegeen ilo wareedyo ku sugan gobolkaas Khamiistii shalay.
"Afar qof oo tahriibayaal Soomaaliyeed ah ay ku dhintay gobolka Jiisaan ee dalka Sucuudiga, kuwaasoo la sheegay inay cuneen raashin dhacay markii ay u adkeysan waayeen gaajo," ayuu yiri qusulka Soomaaliya ee magaalada Cadan Xuseen Xaaji Axmed oo la hadlay VOA-da.
Qunsulku wuxuu sheegay in afartaas qof ay ahaayeen tahriibayaal ka tagay dalka Yemen kuna sii socday dalka Sucuudiga, isagoo xusay in raashinka dhacay ay ku cuneen deegaan u dhexeeya xuduudda labada dal.
Maydadkan ayaa lagu riday filinjeerro ku yaalla Isbitaalka guud ee Gobolka Jisaan, iyadoo qaarkood aan weli la garan, waxaana wararku ay sheegayaan in la aasi doono markii la garto maydadka.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Soomaali tahriib ah ay dhintaan iyagoo ku jira safar ay ku doonayaan inay kaga gudbaan Yemen kuna galaan dalka Sucuudiga, waxaana todobaadyo ka hor la helayay maydadka tahriibayaal Soomaali ah oo u dhintay harraad.
Dalka Yemen ayaa waxaa ku sugan qoxooti fara badan badan oo Soomaali ah, kuwaasoo ka talaabay badda cas, waxayna halkaas u tageen si ay ugu gudbaan dalalka khaliijka qaarkood sida Sucuudi Carabiya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya