
Talaado, November 16, 2010(HOL): Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya ayaa maanta waxaa si weyn looga xusay ciidda weyn ee “Ciidul Adhxaa”, taasoo ay dadka isugu soo baxeen fagaarayaal waa weyn, si ay salaadda ciidda ugu oogaan.
Fagaarayaasha la isugu soo baxey waxaa kamid ahaa Sir Ali Muslim Club oo kuyaal xaafada Pangani ee magaalada Nairobi. Halkaasi waxaa isugu soo baxay dad tiradoodu ay aad u badneyd, waxayna ka koobnaayeen rag, haween iyo carruur.
Aalaaba fagaarayaasha marka la isugu soo baxo dadku way fariistaan, waxeyna kor u qaadaan takbiirta, iyadoo taasi uga danbeynaya Sheekha.
Abaarihii saacadda markii ay aheyd 09:00 subaxnimo ayaa la tukaday, halkaasna waxaa laga akhriyey khudbad ku saabsaneyd xaaladda ay haatan ku sugan yihiin dadka Muslimiinta adduunka si guud, gaar ahaan Muslimiinta dalkani Kenya. 
Waxaa lagu booriyey dadka Muslimiinta ah inay ka fogaadaan falalka keeni karaya kharbudaada, khatarna galin kara sumcadda dadka Muslimiinta ah .
Dadkii isugu soo baxay fagaarahaas Sir Ali Muslim Club waxaa u badnaa Soomaalida degan magaalada Nairobi, wajiyadoodana waxaa ka muuqdey farxad iyo reynreyn ay kusoo dhoweynayaan maalinta ciida, iyagoo isugu hambalyeynayey ciidan ciideeda kugaar nabad, barwaaqo iyo camal wanaagsan, sidoo kale maamulka goobta waxaa gacanta ku heysay Soomaali.
Dadyowga kale ee Muslimiinta ah ee kasoo qeybgaley oogidda salaadda waxaa kamid ahaa Keenyaan, Hindi iyo Ethiopian. Sidoo kale, fagaarayaasha la isugu soo baxay oo lagu oogey salaadda Ciidul Adhxada waxaa kamid ah Burhan Estate, South C, Eastleigh High School
Si guud marka loo eego ciiddan dadka Muslimka ah waxey ku ciideen wadajir, waloow ay jiraan masaajido aad u yar oo khilaafey ciid ahaanshaha maanta.
Waxaa jiray masaajido aan maanta laga tukan salaadda ciidda oo ku yaalla magaalada Nairobi kuwaasi oo ku gacan seyray in ay maanta tahay maalinta Ciidul-Adhxaa, iyagoo markaasi sheegay inay ciidi doonaan maalinta berri ah, oo ku beegan 11-ka bisha Dul Xijah ee sanadka Islaamka1431 Hijriya.
Ciiddii hore ee Fidriga wey ka badbaaday khilaafyada firqooyinka diinta ee waayadan danbe kusoo badanayey Soomaalida dhexdeeda, hayeeshee ciiddan ayay taasi haleeshay.
Sidoo kale waxaan laga ciidan sida ay wararku nagu soo gaarayaan meelo ka mid ah gobollada dhexe ee Soomaaliya, waloow inta badan dalka Soomaaliya si guud looga wada ciidey.
Said Hassan Anteno
[email protected]