Puntland oo maanta si wayn looga ciiday

Talaado, 16 November, 2010 (HOL) –Magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka bari ayaa maanta si wayn looga xusay munaasbada Ciidul Adxa,iyadoo boqolaal dad ah ay isugu soo baxeen goobaha lagu nasto maalinta Ciidda.

Dadka ayaa maanta salaadii Ciida ku tukaday barxad wayn oo ku dhaw madaxtooyada magaalada ,waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan golaha xukuumada Puntland oo uu ka mid ahaa madaxwayne ku xigeenka.

"Dadka reer Puntland iyo soomaalida oo dhan waxaan ugu hambalyaynayaa ciidan oo wax badan ka duwan kuwii hore" ayuu yiri madaxwayne ku xigeenka oo maanta khudbad ka jeediyay munaasbadii ciida.

Sidoo kale madaxwaynaha ayaa ugu baaqay shacabka Puntland in ay nabadda ka shaqeeyaan si gobolka uu horumar balaaran u gaaro ,isagoo siyaasiinta Soomaliya u diray fariin la xiriirta wax ka qabashada xaalada murugsan ee magaalada Muqdisho.

Magaalooyinka kale ee maanta laga ciiday waxaa ka mid ah Galkacyo ,Garowe,Qardho,iyadoo dadku ay ahaayeen kuwa isugu hambalyaynaya farxadda ciida.

Ciidan ayaa ku soo beegantay ,iyadoo dalka Soomaliya uu ka dhacay isbadal balaaran oo xaga siyaasada ah ,waxaana xusid mudan in gobolada qaar ee dalka ay ka jiraan dagaalo khasaarooyin kala duwan sababa.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya